IGAD oo shaacisay xog xasaasi ah oo kooxda Shabab ku saabsan

Muqdisho (Caasimada Online) – Urur goboleedka IGAD ayaa rajo xumo ka muujiyay nabad ka dhalata Soomaaliya, maadaama qoraal ay soo saareen ay ku sheegeen in haddii Al-shabaab laga adkaadana ay soo bixi doonaan kooxo kale.

War qoraal ah oo kasoo baxay Urur goboleedka IGAD ayaa lagu sheegay in Al-shabaab ay qeyb ka yihiin dad badan oo jinsiyado kala duwan leh, kuwaasi oo doonaya kaliya iney geystaan falal dadka argagax gelin kara.

“Xitaa haddii Al-shabaab laga guuleysto berri waxaan is leeyahay inay weli jiri doonaan jiil cusub oo fikirka jihaadiga ah aaminsan oo jooga guud ahaan gobolka, wadamo kala duwan kuwaas oo ay suurtagal tahay inay hawsha sii wadaan” sidaana waxaa yiri Matt Bryden oo agaasime iyo falanqeeye ka  ah Sahan Foundation kaas oo wax badan ka og cilmi baaris IGAD ay ku sameysay xarakada Alshabaab.

“Alshabaab waxaa cad inaysan ahayn qatar u gaar ah Soomaaliya waxayna u baahan tahay jawaab adag oo caalami ah” ayaa lagu sheegay warbixinta IGAD.

IGAD ayaa sidoo kale sheegay in Al-shabaab ay ka howlgalaan ku dhawaad lix wadan oo ku yaala geeska qaarada Africa, waxaana wadamadaasi la sheegay iney kala yihiin Djibuoti, Ethiopia, Kenya, Somalia, Uganda iyo Tanzania.

Urur goboleedka IGAD ayaa sheegay in loo baahan yahay awood kale oo dheeri ah oo looga hortago ururka Alshabaab oo qatar ku ah amaanka wadamada geeska Africa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com