Iiraan oo Shiinaha ka heshay gantaallo wax weyn beddelaya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Tehran (Caasimada Online) – Iran ayaa la filayaa inay toddobaadyada soo socda hesho shixnaddii ugu horreysay ee illaa 400 oo gantaallada difaaca cirka ah oo garabka laga rido, kuwaas oo lagu sameeyey Shiinaha, xilli Tehran ay dib u dhiseyso awooddeeda difaaca kaddib bilo dagaal ah oo ay la gashay Mareykanka iyo Israel.

Saddex ilo-wareed oo xog-ogaal u ah heshiiska ayaa Reuters u sheegay in Iran ay dalbatay inta u dhexeysa 300 illaa 400 oo ah nidaamyada difaaca cirka ee la qaadan karo, kuwaas oo loo yaqaan MANPADS.

Heshiiska oo lagu qiimeeyey $60 milyan illaa $70 milyan ayaa waxaa ku jira gantaallada noocyada QW-12 iyo FN-16, waxaana uu ka mid yahay dadaalladii ugu waaweynaa ee Tehran ku xoojineyso difaaceeda cirka ee masaafada gaaban tan iyo markii uu billowday dagaalka ay kula jirto Mareykanka iyo Israel.

Dagaalka ayaa bannaanka soo dhigay daldaloolo waaweyn oo ka jira awoodda Iran ay ku difaaci karto xarumaheeda militariga, warshadaha hubka iyo kaabayaasha istaraatiijiga ah, kuwaas oo weerarro joogto ah kala kulmay diyaaradaha Mareykanka iyo Israel.

Ilo-wareedyada ayaa sheegay in heshiiska lala saxiixday shirkadda Zhongqing Baoshang International Investment oo fadhigeedu yahay Hong Kong, taas oo dhex-dhexaadinaysay dhinaca Iran iyo shirkadda Shiinaha ee soo saareysa hubka.

Wasaaradda arrimaha dibadda Iran kama aysan jawaabin codsi loo diray oo ku saabsanaa inay faallo ka bixiso heshiiska.

Shiinaha ayaa dhankiisa beeniyay warbixinta.

“Wararka arrintan la xiriira gebi ahaanba waa kuwo aan sal iyo raad lahayn. Shiinuhu wuxuu si joogto ah door uga qaatay horumarinta nabadda iyo soo afjaridda colaadda,” ayay wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ku tiri bayaan.

Shirkadda Zhong Qing Bao Shang Group, oo ah shirkadda iska leh Zhongqing Baoshang International Investment, ayaan sidoo kale ka jawaabin codsi faallo ah.

Iran oo dib u hubeyneysa ciidamadeeda

Iran ayaa baahi weyn u qabta inay dib u hubeyso ciidamadeeda kaddib bilo dagaal ah, oo Mareykanka iyo Israel ay ku garaaceen xarumo la xiriira barnaamijyada gantaallada, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo difaaca cirka.

Tehran ayaa weerarradaas uga jawaabtay gantaallo ballistic ah iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo ay ku weerartay bartilmaameedyo la xiriira Mareykanka iyo Israel.

Duqeymaha ayaa muujiyey dhibaatada Iran ka haysata difaacidda xarumaha militariga ee go’an, iyadoo ay la tacaaleyso diyaarado casri ah iyo hub si sax ah loo hago.

Mareykanka ayaa Sabtidii si lama filaan ah u hakiyey duqeymo socday laba toddobaad, hase yeeshee Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in weerarradu dib u billaaban doonaan haddii wada-hadalladu ku guuldareystaan inay soo afjaraan dagaalka shanta bilood socda.

Colaadda ayaa ku jirtay xaalad xabbad-joojin ah tan iyo bishii April, inkasta oo labada dhinac ay sii wadeen weerarro iyo hanjabaado militari.

Helitaanka boqolaal gantaal oo garabka laga rido ayaa si weyn u kordhin kara kaydka hubka difaaca cirka ee Iran, gaar ahaan awoodda ay uga hortagi karto diyaaradaha joog hoose ku duula, helikobtarrada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Heshiiska ayaa sidoo kale muujinaya xiriirka militariga ee sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Tehran iyo Beijing, inkasta oo dowladda Shiinaha ay si rasmi ah u beenisay inay hubkaas iibineyso.

Ilo-wareedyada ayaa ka digay in inkasta oo heshiiska la saxiixay, haddana jadwalka keenista, tirada ugu dambeysa iyo faahfaahinta fulintiisa ay weli isbeddeli karaan.

Pakistan oo beenisay inuu hubku sii marayo  

Sida uu dhigayo qorshaha ay dhinacyadu ku heshiiyeen, shixnadaha ugu horreeya ayaa diyaarad looga soo qaadi doonaa magaalada Urumqi ee galbeedka Shiinaha, kaddibna waxaa la sii marin doonaa Pakistan si loo gaarsiiyo Iran.

Ilo-wareedyadu ma aysan caddeyn in hubka Pakistan looga sii qaadi doono diyaarad ama waddo dhulka ah.

Militariga Pakistan ayaa si adag u beeniyay in dalkaasi qeyb ka yahay qorshe hubka Shiinaha lagu gaarsiinayo Iran.

“Mala’awaalka sheegaya in Pakistan ay ku lug leedahay hubka difaaca cirka ee Shiinaha looga gudbinayo Iran waa been abuur aan waxba ka jirin,” ayey tiri waaxda warfaafinta militariga Pakistan ee ISPR.

Wasaaradda arrimaha dibadda Pakistan kama aysan jawaabin codsi faallo ah.

Inkasta oo Iran labaatankii sano ee lasoo dhaafay maalgelin xooggan ku sameysay gantaallada, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo nidaamyada raadaarka, khubarada militariga ayaa sheegaya in gantaallada difaaca cirka ee la qaadan karo ay leeyihiin faa’iidooyin gaar ah.

Hubkan waxaa si fudud u isticmaali kara kooxo yar, si dhaqso ah ayaa meel kale loogu wareejin karaa, waxaana adag in la ogaado ama la burburiyo marka loo eego nidaamyada waaweyn ee difaaca cirka ee hal goob lagu rakibo.

Mas’uul amni oo Yurub ah ayaa sheegay in dowladdiisu ka warqabto dhowr heshiis oo laga wada hadlayo, kuwaas oo ku saabsan in Iran laga iibiyo gantaallada taxanaha QW, oo ay ku jiraan QW-12, QW-18 iyo QW-19.

Ilo kale oo amni oo ku sugan Bariga Dhexe ayaa sheegay in Iran ay raadineysay gantaallada QW-12 iyo QW-18, balse uusan ogeyn in heshiis kama dambeys ah la gaaray.

Gantaallada QW-12 iyo FN-16 ayaa ah hub garabka laga rido oo ku shaqeeya nidaam kulayl-raac ah, waxaana loogu talagalay inay bartilmaameedsadaan diyaaradaha joog hoose ku duula, helikobtarrada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Waxaa si degdeg ah loo geyn karaa hareeraha saldhigyada militariga, xarumaha tamarta iyo goobaha kale ee xasaasiga ah.

Khubarada difaaca ayaa QW-12 u arka mid ka awood yar noocyada cusub ee QW-18 iyo QW-19, hase yeeshee waxay sheegayaan inuu weli bixin karo difaac wax ku ool ah oo looga hortago diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo bartilmaameedyada joog hoose ku socda.

Laba ilo sirdoon oo reer Galbeed ah iyo mas’uul Iranian ah ayaa sidoo kale sheegay in Tehran ay baartay suurta-galnimada in waddooyinka dhulka la mariyo hubka iyo qalabka Shiinaha, si qarsoodi ahna looga gudbiyo caqabadaha iyo weerarrada suurtagalka ah.

Heshiiskan ayaa muujinaya sida Iran, inkasta oo ay muddo dheer saarnaayeen cunaqabateyn iyo xayiraado la xiriira hubka, ay weli isugu tiirsan tahay wax-soo-saarkeeda gudaha iyo hubka ay ka hesho dalal shisheeye.

Reuters ayaa horey u sheegtay in Iran ay ku dhoweyd heshiis kale oo ay Shiinaha kaga iibsaneyso gantaallada lidka maraakiibta, inkasta oo aan la xaqiijin in heshiiskaas ugu dambeyn la dhammaystiray.

- Advertisement -

Read more

Local News