Ilhaan Cumar oo loo heysto eedeyn culus oo ku saabsan howlgalkii Mareykanka uu ka fuliyey Soomaaliya 1993

Washington (Caasimadda Online) – Warbixin cusub oo lasoo saaray ayaa muujineysa in Ilhaan Cumar ay wajaheyso eedeyn culus oo ku saabsan inay buunbuunisay tirada dadka Soomaalida ah ee lagu dilay howlgalkii ay Milatariga Mareykanka Soomaaliya ka fuliyeen sanadkii 1993-kii.

Howlgalkaas oo ay qeyb ka ahaayeen diyaaradaha loo yaqaanno Black Hawk ayaa laga sameeyay filim lagu magacaabay “Black Hawk Down”, oo laga malatay sida ay wax u dhacayeen.

Sida ku xusan warbixinta, Ilhaan Cumar oo lagu yaqaanno inay hadal kulushahay ayaa sheegtay in “kumannaan” qof ay ku dhinteen dagaalkii uu Mareykanka ku galay magaalada Muqdisho.

Haase ahaatee, xildhibaanaddan aqalka Koongareeska u matasha gobolka Minnesota ayaa hadalkaas Twitter-keeda ku qortay mar sii horreysay, waxaana warbixintan shaacisay hay’ad baaritaanno ku sameysa arrimaha la xiriira argagixisada.

Isniintii ayaa dib loo soo saaray qoraalkan oo ay Ilhaan kusoo bandhigtay barteeda Twitter-ka sannadkii 2017-kii.

“Xasuustiisa gaarka ah, wuxuu illoobay inuu ku soo hadal qaado kumanaanka Soomaalida ah ee ay maalintaas dileen askarta Mareykanka!”, sidaas ayey Ilhaan Cumar ku qortay Twitter-ka, mar ay ka jawaabeysay hadal uu qof ka mid ah dadka bartaas isticmaala ku xusay in dagaalkii Muqdisho Mareykanka looga dilay 19 askari, 73 kalena looga dhaawacay.

Qiyaasta lagu sameeyo dadkii Soomaalida ahaa ee xilligaas la dilay ayaa lagu kala duwan yahay, dadka qaar waxay ku sheegaan 133 ruux halka kuwo kalena ay gaarsiiyaan ilaa 1,000 qof, balse laguma tilmaamo “kumannaan”, sida ay qortay warbaahinta Fox News.

Dadka dhaleeceeyay Ilhaan, oo ay ka mid yihiin rugcaddaayadii ka qeyb galay dagaalkaas ayaa eedeyn culus u jeediyay gabadhan oo ka mid ahayd dadkii qaxootiga ahaa ee ka tagay Soomaaliya, haddana noqotay mid ka mid ah haweenkii muslimiinta ahaa ee ugu horreeyay aqalka Koongareeska.

“Ciidankeenna aad baa looga tiro batay, waxayna u dagaallamayeen inay naftooda difaacaan. Dhammaan maleyshiyaadka Soomaalida ah waxay u carari kareen meesha ay doonaan laakiin kuweenna wax waddo ah uma aysan furneyn”, waxaa sidaas yidhi Mike Durant, oo ah sarkaal howlgab noqday.

Mr Durant ayaa ahaa duuliyihii diyaaraddiisa dhulka lasoo dhigay 3-dii bishii Oktober ee sannadkii 1993-kii, kadibna ay afduubteen xoogaggii Muqdisho ka dagaallamayay.

Ilhaan Cumar ayaa dhowr jeer jeedisay hadallo liddi ku ah madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, iyadoo mar sii horreysayna lagu dhaliilay inay soo qortay hadal muujinaya waxa loogu yeeray “Yahuud Naceyb”.

Caasimada Online
Xafiiska Washington 
Caasimada@live.com