Ilhaan Cumar oo weerar ku qaaday OBAMA “Wuxuu ahaa dilaa hadal macaan”

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar oo ka mid ah Golaha aqalka hoose ee Mareykanka ayaa mar kale wajaheysa dagaal dhinaca afka ah oo ay kala kulmeyso xisbiga Dimuqraadiga ah ee ay ka tirsan tahay.

Ilhaan ayaa ad u cambaareysay Madaxweynihii hore ee Mareykanka BracK Obama oo ay ku sheegtay in uu ahaa dilaa dhoolla-caddeeya.

Hadalkaas oo ay ka faa’ideysteen Warbaahinta u janjeerta dhinaca Yahuudda ayaa mar kale abuuray buuq Xisbig Dimuqraadiga dhexdiisa ah.

Qaar ka mid ah taageerayaasa Xisbiga ayaa Ilhaan ku tilmaamay mid shaqadeedii illowsan oo u doodda dad aan Mareykan ahayn.

Taageerayaasha qaar ayaa sidoo kale difaacay hadalka Ilhaan Cumar oo ay u arkeen in ay sax tahay.

Todobaadkii la soo dhaafay Ilhaan waxaa ay dhexda ka gashay dood ka dhalatay hadal ay ka sheegtay hay’ad u doodda danaha Dadka Yuhuudda ah ee Mareykanka,waxaana hadalkaas uu gaaray madaxweynaha Mareykanka oo sheegay in ay mudan tahay in xilka laga qaado.

Arbacadii ayaa waxaa xafiiskeeda ugu tagay Wadaaddo ka socda Yuhuudda Mareykanka oo iyada taageersanaa una sheegay in Ilhaan aysan wax ka sheegin diinta Yuhuudda ee ay wax ka sheegtay Waddaniyadda xagjirka ah ee Xukuumadda Natenyahu iyo ficillada khaldan ee ka socda Falastiin.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
Caasimada@live.com