Doha (Caasimada Online) — Dowladdaha Imaaraadka Carabta iyo Qatar ayaa olole diblomaasiyadeed oo hoose ka wada dalalka xulafada la ah, si ay gacan uga helaan in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump lagu qanciyo inuu soo gaabiyo hawlgalada milateri ee ka dhanka ah Iiraan, oo uu raadiyo waddo looga baxo xiisadda taagan, sida ay xaqiijiyeen ilo xog-ogaal u ah arrintan.
Wadamadan Khaliijka ayaa la sheegay inay raadinayaan isbaheysi ballaaran oo horseeda in colaadda lagu soo afjaro qaab diblomaasiyadeed oo degdeg ah. Ujeedada ugu weyn ee dalalkan ayaa ah in laga hortago in xiisaddu ay ku fido gobolka intiisa kale, lagana baaqsado naxdin dhaqaale oo dabo-dheeraata taas oo saamaysa qiimaha tamarta adduunka, sida ay xuseen shakhsiyaad magacooda qariyay maadaama xogtan aan weli si shaacsan loo soo bandhigin.
Qiimeyn ay samaysay dowladda Qatar oo lala wadaagay warbaahinta Bloomberg ayaa ka digtay in haddii marinnada maraakiibta ee gobolka ay sii xirnaadaan ilaa bartamaha toddobaadkan, la filan karo in suuqyada caalamka ay kala kulmaan saameyn ka xooggan tii isbeddelkii degdegga ahaa ee ku yimid qiimaha gaaska dabiiciga ah maalintii Isniinta.
Tani ayaa imanaysa kaddib markii Qatar ay xirtay xarunteedii ugu weyneyd adduunka ee soo saarta gaaska dabiiciga ah ee dareeraha laga dhigay (LNG), kaddib markii ay bartilmaameedsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan ay soo riday. Weerarkan ayaa sababay in qiimaha gaaska ee qaaradda Yurub uu cirka isku shareero in ka badan boqolkiiba 50%.
Dhanka kale, wararku waxay intaas ku darayaan in Imaaraadka iyo Qatar ay si qarsoodi ah uga shaqeynayaan sidii ay si degdeg ah ugu xoojin lahaayeen awooddooda difaaca cirka. Xafiiska Warbaahinta Caalamiga ah ee Qatar iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsiyo ku aaddan in ay arrintan faahfaahin ka bixiyaan.
Ilo-wareedyada ayaa intaas raaciyay in Imaaraadku uu xulafadiisa ka codsaday in laga caawiyo nidaamyada difaaca cirka ee riddada dhexe, halka Qatar ay dalbatay taageero la xiriirta ka-hortagga diyaaradaha is-miidaamiya ee Drones-ka, kuwaas oo isku beddelay khatar aad uga weyn gantaallada riddada dheer ee ballistic-ga.
Sida ku cad xog-baaris gudaha ah oo ay aragtay Bloomberg, kaydka gantaallada difaaca cirka ee Patriot ee ay haysato Qatar ayaa ku filnaan doona oo kaliya afar maalmood, haddii la eego xawaaraha ay hadda u isticmaalayaan si ay isku difaacaan.
Si arrimahan xal loogu helo, Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Sheekh Maxamed bin Saayid Al Nahyan, iyo Amiirka Qatar, Sheekh Tamiim bin Xamad Al Thani, ayaa maalmihii la soo dhaafay khadka taleefanka kula xiriiray dhowr hoggaamiye oo reer Yurub ah.
Madaxda ay la hadleen ayaa waxaa ka mid ah Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Keir Starmer, Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, iyo Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka Friedrich Merz.

