Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si taxaddar leh dib ugu furtay waddooyinka diblomaasiyadeed iyo kuwa ganacsi ee kala dhexeeya Iran, iyadoo isku dayaysa inay yareyso khatarta amni ee ka imaanaysa Tehran, isla markaana dib u soo nooleyso dhaqaalaha ay dagaallada gobolka saameeyeen.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah istaraatiijiyad halis badan oo Abu Dhabi ay ku dooneyso inay xiriir shaqo la yeelato Iran, iyadoo aan wiiqayn iskaashiga difaac ee ay la leedahay Mareykanka iyo Israel.
Shan bilood kadib markii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran ay qalqal geliyeen xarunta maaliyadda ee Dubai, bankiyada caalamiga ah, shirkadaha maareeya hantida iyo ganacsatada ayaa mar kale billaabay inay ku soo laabtaan magaalada.
Doomaha dhaqanka ee loo yaqaanno dhows-ka ayaa dib u billaabay inay badeecooyin u kala qaadaan dekedaha Dubai iyo Iran, halka duulimaadyada ka imanaya Iran ay mar kale ka degayaan garoonka caalamiga ah ee Dubai.
Mas’uuliyiinta Imaaraadka ayaa sidoo kale u oggolaaday inay dalka ku soo laabtaan ku dhowaad 20,000 oo qof oo Iranian ah oo dibadda ku xayirmay markii uu dagaalku billowday.
Sida lagu sheegay warbixin faahfaahsan oo uu daabacay wargeyska Financial Times, dadaalladan ayaa qeyb ka ah qorshe ballaaran oo Imaaraadku ku doonayo inuu dib ugu soo celiyo noloshii caadiga ahayd, kadib qalalaasihii ugu cuslaa ee dalka soo mara tan iyo markii uu xornimada qaatay sanadkii 1971-kii.
Hase yeeshee, isku dayga lagu dejinayo xiriirka Tehran ayaa weli ah mid jilicsan, maadaama xabbad-joojintii u dhexeysay Iran iyo Mareykanka ay sii daciifeyso, xiisaduhuna ay ka sii socdaan dalalka Khaliijka.
Iran ayaa bishan beegsatay laba markab oo Imaaraadku leeyahay oo marayay marin-biyoodka Hormuz, kadib markii Tehran ay mar kale ku hanjabtay inay xiri doonto marinka muhiimka u ah ganacsiga iyo dhoofinta shidaalka caalamka.
Inkasta oo Iran aysan weerarradii ugu dambeeyay si toos ah ugu beegsan dhulka Imaaraadka, haddana waxay gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn u dirtay dalal ay ka mid yihiin Bahrain, Kuwait, Jordan, Qatar, Cumaan iyo Sacuudi Carabiya.
“Marna si dhab ah uma ogaan kartid waxa dhici kara, sababtoo ah dhinaca Iran arrimuhu way isku dhex yaacsan yihiin, kalsoonina ma jirto,” ayuu aqoonyahanka u dhashay Imaaraadka ee Abdulkhaleq Abdulla u sheegay Financial Times.
“Xiriirku waa jilicsan yahay, balse waxaa dhiirrigelin leh inuu laba bilood sii jiray,” ayuu yiri.
Dagaal illaa wada-hadal
Imaaraadka ayaa markii uu billowday dagaalkii Mareykanka iyo Israel ay la galeen Iran qaatay mowqif ka adkaa kan inta badan dalalka Carabta ee Khaliijka.
Iran ayaa bilihii ugu horreeyay dagaalka ku qaaday Imaaraadka ku dhowaad 3,000 oo weerar oo isugu jiray gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn.
Imaaraadka ayaa isaguna fuliyay tobannaan weerar, halka nidaamyadiisa difaaca cirka ay qabteen inta badan hubkii Iran laga soo riday.
Hase yeeshee, markii Washington iyo Tehran ay bishii April gaareen xabbad-joojin aan weli sal adag yeelan, Abu Dhabi ayaa billowday inay ka gudubto iska horimaad furan, una wareegto wadahadal diblomaasiyadeed oo taxaddar badan leh.
“Dagaalkani wuxuu ahaa digniin dhab ah oo qof walba xaqiiqada tusay,” ayuu maamule sare oo u dhashay Imaaraadka u sheegay Financial Times.
“Mowqifkii adkaa wuxuu ahaa wajigii koowaad ee dagaalka. Kadib waxaan muujinnay dabacsanaan iyo ficil ku dhisan xaaladda dhabta ah. Go’aannada kuma dheganaanno, balse waan hagaajinnaa marka ay xaaladdu is beddesho,” ayuu yiri.
Madaxweynaha Imaaraadka, Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan, ayaa dadaallada xasaasiga ah ee xiriirka Iran u xilsaaray saddex ka mid ah walaalihiis.
Waxay kala yihiin Madaxweyne ku-xigeenka Sheekh Mansuur bin Zayed, Wasiirka Arrimaha Dibadda Sheekh Cabdullaahi bin Zayed iyo la-taliyaha amniga qaranka Sheekh Tahnoun bin Zayed.
Calaamaddii ugu horreysay ee muujisay xiriirka dib loo furayo ayaa timid markii Sheekh Mansuur uu telefoon kula hadlay guddoomiyaha baarlamaanka Iran, Mohammad Bagher Ghalibaf, oo ka mid ah mas’uuliyiinta rayidka ah ee ugu awoodda badan Tehran.
Sheekh Cabdullaahi ayaa markii dambe wadahadalkiisii ugu horreeyay tan iyo markii uu dagaalku billowday la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi.
“Iran ayaa timid oo tiri, ‘Aan wada hadalno’. Waxay noqon lahayd doqonnimo in la diido marka qofka aad is-haysaan uu kuu yimaado,” ayuu yiri Abdulkhaleq Abdulla.
Wuxuu sheegay in dagaalku caddeeyay in awood militari oo keliya aysan meesha ka saari karin dowladda Iran, isla markaana aan si fudud looga adkaan karin Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah.
Mas’uul sare oo Imaaraati ah ayaa sheegay in dalku sii wadi doono wadahadalka, balse isla waqtigaas xoojin doono awooddiisa militari.
“Waxaan dhiseynaa awoodda aan cadowga uga hortagi karno, waxaan adeegsaneynaa diblomaasiyadda, sidoo kalena waxaan isticmaali doonnaa miisaankeenna dhaqaale,” ayuu yiri mas’uulka.
Adeegsiga xiriirka ganacsi
Xiriirka ganacsi ayaa muddo dheer ahaa qodob muhiim ah oo ka dhex jiray Iran iyo Imaaraadka, inkasta oo labada dowladood ay dhinaca siyaasadda isku khilaafsan yihiin.
Abu Dhabi ayaa dhaqan ahaan mowqif adag ka qaadata Iran, halka Dubai ay weligeed ka mid ahayd xarumaha ugu muhiimsan ee ay Iran u isticmaasho ganacsiga, dib-u-dhoofinta badeecooyinka iyo adeegyada maraakiibta.
Boqollaal kun oo qof oo asal ahaan Iranian ah ayaa ku nool Imaaraadka, halka kumannaan shirkadood oo Iranian ah ay dalka ka howlgalaan.
Mas’uuliyiinta Imaaraadka ayaa rajeynaya in ku-tiirsanaanta Iran ee Dubai, gaar ahaan dhinacyada soo dejinta, dhoofinta, maraakiibta iyo badeecooyinka macaamiisha, ay Tehran siin doonto sabab dhaqaale oo ay uga fogaato dagaal kale oo toos ah.
“Iran waxay leedahay dad badan iyo suuq weyn. Dubai-na waxay faa’iido weyn u leedahay inay xarun ganacsi iyo dib-u-dhoofin u noqoto,” ayuu mas’uul ka tirsan Dubai u sheegay Financial Times.
“Aad ayay muhiim noogu tahay inaan dib ugu laabanno xiriir caadi ah,” ayuu yiri.
Imaaraadka ayaa beeniyay inuu Iran u gudbiyay lacago, balse ganacsatada Imaaraadka ayaa laga yaabaa inay maalgashi ka sameeyaan tamarta, dekedaha iyo gaadiidka Iran, haddii dagaalku si rasmi ah u dhammaado, cunaqabateyntana laga qaado Tehran.
Ganacsade Imaaraati ah ayaa sheegay in joojinta ganacsiga Iran ay sidoo kale sare u qaadi karto qiimaha badeecooyinka gudaha dalka.
“Iran ma iska indho-tiri karno,” ayuu yiri.
“Waxyaabo badan dalal kale ayaan ka heli karaa, laakiin sanduuq yaanyo ah oo shan dirham lagu iibiyo wuxuu ka iman karaa oo keliya Iran.”
Xoojinta iskaashiga Israel
Inkasta oo Imaaraadku xiriir diblomaasiyadeed la furayo Iran, haddana weli wuxuu Tehran u arkaa khatar militari, wuxuuna qorsheynayaa inuu ballaariyo iskaashiga difaac ee uu la leeyahay Israel iyo Mareykanka.
Imaaraadka ayaa sanadkii 2020 xiriir rasmi ah la sameeyay Israel, kadib heshiisyadii Abraham Accords ee uu Mareykanku garwadeenka ka ahaa.
Sida uu qoray Financial Times, Israel ayaa toddobaadyadii ugu horreeyay dagaalka Imaaraadka si degdeg ah ugu dirtay nidaamka difaaca cirka ee Iron Dome iyo nidaamka casriga ah ee leysarka ku shaqeeya ee Iron Beam.
Safaaradda Israel ee Abu Dhabi ayaa tan iyo xilligaas labalaabtay shaqaalaheeda, waxayna noqotay mid ka mid ah safaaradaha ugu waaweyn ee Israel ku leedahay dibadda.
“Shirkadaha difaaca Israel ayaa si joogto ah uga howlgala Imaaraadka,” ayuu yiri mas’uul Israeli ah.
“Qaar ayaa joogay dagaalka ka hor, laakiin hadda howlaha way ka ballaaran yihiin, waxayna taabanayaan dhinacyo badan.”
Labada dal ayaa sidoo kale ka wada hadlaya iskaashi la xiriira sirdoonka macmalka ah, tiknoolajiyadda, gaadiidka, bakhaarrada kaydka iyo dekedaha qallalan.
Xiriirkooda waxaa saameeyay dagaalka Gaza iyo siyaasadaha dowladda Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.
Qaar ka mid ah Imaaraatiyiinta ayaa si gaar ah Netanyahu ugu eedeeya inuu Khaliijka ku soo jiiday dagaalka, isla markaana siyaasadaha xukuumaddiisu ay Abu Dhabi gelisay xaalad siyaasadeed oo adag.
Si kastaba, hoggaanka Imaaraadka ayaa weli xiriirka Israel u arka maalgashi istaraatiiji ah oo muddo dheer ah.
Mas’uul Imaaraati ah ayaa sheegay in dagaalku uu doorka Mareykanka ee gobolka ka dhigay “mid ka muhiimsan sidii hore”.
Dhaawaca dhaqaale ee Dubai
Dagaalka ayaa khasaare culus gaarsiiyay dhaqaalaha Dubai, oo si weyn ugu tiirsan duulimaadyada caalamiga ah, dalxiiska, maaliyadda, guryaha iyo ganacsiga.
Inta badan shirkadaha diyaaradaha reer galbeedka ayaan weli dib u billaabin duulimaadyadii ay ku tagi jireen Dubai, oo caadiyan ka mid ah xarumaha duulimaadyada ugu mashquulka badan dunida.
Tirada dadka degaya hoteellada ayaa hoos u dhacday, inkasta oo qiimaha qolalka si weyn loo dhimay. Hoteello qaali ah oo ay ka mid yihiin Burj Al Arab iyo Armani Hotel ayaa si ku-meel-gaar ah loo xiray, iyadoo la sheegay in dib-u-habeyn lagu sameynayo.
Qaar ka mid ah maqaayadaha ayaa iyaguna shaqada joojiyay.
Natasha Sideris, oo ah aasaasaha iyo madaxa shirkadda Tashas Group, ayaa sheegtay in dakhliga maqaayadda ugu weyn ee shirkaddeeda ee xarunta maaliyadda Dubai uu hoos u dhacay ilaa 80%.
Waxay sheegtay inay ooyday markii ay shaqaalaha ka codsatay inay aqbalaan in mushaarkooda laga jaro ilaa 30%.
“Waxay ka darneyd Covid, sababtoo ah xilligii Covid waxaad ogeyd qorshaha jira,” ayay tiri.
“Waxaa lagu oranayay waqti cayiman ayaad xirnaaneysaa, taas oo kuu fududeynaysay inaad milkiilayaasha guryaha la xaajooto. Laakiin inaad muddo dheer si liidata u sii shaqeyso ayaa ka daran.”
Ganacsigu wuxuu billaabay inuu soo kabsado bishii June, balse September ayaa noqon doonta imtixaanka ugu weyn.
Dib u furitaanka iskuullada ayaa muujin doona tirada qoysaska ajaanibta ah ee dalka ku soo laabtay, halka cimilada qabow ay tijaabin doonto awoodda Dubai ee dib loogu soo jiidan karo dalxiisayaasha.
Imaaraadka oo xoojinaya adkeysiga
Qalalaasaha ayaa ereyga “adkeysi” ka dhigay tiirka ugu weyn ee qorshayaasha mustaqbalka Imaaraadka.
Dowladdu waxay ka fiirsaneysaa in dhuumaha shidaalka iyo xarumaha xogta ee muhiimka ah dhulka hoostiisa la geliyo, lana xoojiyo kaydka cuntada iyo bakhaarrada badeecooyinka muhiimka ah.
Shirkadda DP World ayaa qorsheyneysa inay laba terminal ka dhisto Fujairah, oo ku taalla xeebta bari ee Imaaraadka, si loo yareeyo ku-tiirsanaanta dekedda Jebel Ali ee ku taalla gudaha marin-biyoodka Hormuz.
Shirkadda shidaalka qaranka ee ADNOC ayaa sidoo kale dardargelineysa dhismaha dhuun shidaal oo lagu doonayo in lagu labanlaabo awoodda dhoofinta ee dekedda Fujairah.
Hase yeeshee, mas’uuliyiinta iyo khubarada ayaa qiraya in Imaaraadku uusan meesha ka saari karin dhammaan khataraha ku xeeran.
“Dubai iyo Abu Dhabi waxay sameyn karaan wax kasta oo ay awoodaan, laakiin dhibaatadu waxay tahay in arrimahan oo dhan aan xal loo heli karin,” ayuu yiri la-taliye la hadlay Financial Times.
“Xarumaha tamarta qaarkood waxay ku yaallaan badda, sidaas darteed way furnaan doonaan. Xitaa haddii shidaalka laga dhoofiyo Fujairah, weli wuxuu ku jiraa meel ay weerarradu gaari karaan.”
Imaaraadka ayaa hadda sharad ku gelaya inuu sii ahaan karo xulafada amni ee Mareykanka iyo Israel, isagoo dhinaca kale xiriir ganacsi iyo wadahadal ku dhisan dano gaar ah la yeelanaya Iran.
“Dubai waddo kasta ayay tijaabin doontaa,” ayuu yiri maamulaha Imaaraatiga ah.
“Fikrado badan ayaa la qiimeynayaa, laakiin dhammaantood waxay macno yeelanayaan oo keliya haddii dagaalku si dhab ah u dhammaado.”

