Imaaraadka oo ku deeqay diyaarado dagaal oo lagu beegsan doono Shabaab

Nairobi (Caasimada Onlin) – Sida ay qoreen wargeysyada kasoo baxa magaalada Nairobi Dowlada Kenya ayaa loogu deeqay diyaarado dagaal nooca qumaatiga u kaca.

Diyaaradaha oo tiro ahaan dhan 9 Diyaaradood ayaa waxaa loogu talo galay dagaalka ka dhanka ah Xagjiriinta Somalia ee Al-Shabaab.

Waxa ay qoreen Wargeysyada in diyaaradahaasi ay Kenya ka heshay dowlada Imaaraadka Carabta oo si gaara u daneysa dowladaha xeebaha leh ee Africa.

Diyaaradahan qumaatiga u kaca ayaa waxaa dowlada Imaaraadka carabta kala wareegay  Xoghayaha Difaaca  Kenya Raychelle Omamo iyo Taliyaha Ciidanka Cirka Gen Francis Ogolla.

Diyaaradaha ayaa sidoo kale lagula kala wareegay garoonka ciidanka Cirka Kenya ee ku yaala deegaanka Nanyuki ee bartamahaa Dalkaasi.

Xoghayaha Difaaca  Kenya Raychelle Omamo, ayaa sheegtay in Diyaaraduhu ay taageero ka geeysan doonaan Howlgalka goobaha Dagaalka, gurmadka iyo daad gureeynta Daawada.

Ciidanka Kenya ayaa Diyaaradahaan u adeegsan kara howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab, waxa ayna ka qeybqaadan doonaan dagaalka ay Kenya kula jiraan Al-Shabaab.

Sidoo kale, kororka diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa muujineysa in dowlada Kenya ay ku biireyso dalalka France, Singapore, Thailand, Australian, Brazil, Denmark  iyo  UAE oo militari-goodu ay isticmaalaan Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Nuucoodu yahay AS350.

Sidoo kale, Dowladda Kenya ayaa xiligan u xusula duubaneysa in ay adkeeyso awoodeeda military, Diyaaradaheeda Cusubna waxay si gooni ah uga qayb qaadan doonaan Howlgal muddo ka socda Kaynta Gobolka Xeebta ee Lamu oo Al-shabaab ay deganyihiin.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Kenya ayaa ku dhawaaqday inay laba jibaari doonto dagaalka ay kula jirto maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ka dagaalanta Somalia iyo Kenya.

Caasimada Onlin
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com