Imaaraadka oo Somaliland ka fulinaya waddo tareen iyo 15,000 oo askari oo…

Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ka hadashay Saldhigga Milatari ee ay ka dhiseyso Berbera, howlaha uu qabanayo, qandaraaska lagu dhisayo iyo sharikadda dhiseysa.

Qoraallo diblmaasiyadeed oo ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraadka oo ay heleen Warbaahinta Carabta ayaa muujinaya in Saldhiggaasi wajigiisa 1aad la furayo Bisha August ee sanadkan.

Qandaraaska dhismaha Saldhigga Milatari oo lagu rakibayo Raadaar,sidoo kalena leh Bosteejo Tareen oo isku xirta Dekadda Berbera iyo saldhigga ayaa waxaa ku guuleystay sharikad fadhigeedu yahay Dubai oo lagu magacaabo Divers Marin Contracting LLC.

Sharikadda Dowladda Imaaraadka ayaa bixisay lacag gaareysa $100 Milyan oo doollarka Mareykanka ah oo lagu dhisayo saldhigga Miltariga Imaaraadka.

Warqadaha waxyaabaha ku xusan waxaa ka mid ah in Raadaarrada Saldhigga lagala soconayo dhaq dhaqaaqa Badda cas sidoo kalena Diyaaradaha dalalka daneynaya Geeska Afrika loo oggolaan doono in ay Saldhigga ku nastaan.

Waxa kale oo ku jira warbixinta in Imaaraadka uu tababarayo 15,000 oo Ciidamada Maamulka Somaliland ah, kuwaas oo uu ballanqaaday.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com