IMF oo 2 arrin ku amaantay DF kadib markii ay ka gudubtay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Sare ee Hay’adda Lacagta Adduunka IMF ayaa soo saaray warbixinta qiimeynta barnaamijka ECF ( Extended Credit Facility), ayada oo Soomaaliya lagu amaantay labada arrimood ee dib u habeynta Maaliyadda & Deyn Cafinta.

IMF ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka ay ka gudubtay dhammaan sharuudaha loo dajiyay in lagu horumariyo hannaanka dib u habeynta dhaqaalaha Soomaaliya ee loo yaqaano ECF, kaas oo sidoo kale ah hannaan lagu hago arrimaha Deyn Cafinta.

Warbixinta Hay’adda IMF ayaa waxaa sidoo kale dowladda Soomaaliya ku boggaadisay hirgelinta dib u habeynta hannaanka Maaliyadda si kor loogu qaado dakhliga gudaha,  waxayna soo jeedisay in dadaal dheeri ah lagu bixiyo dhanka siyaasadda Canshuuraha.

Sidoo kale IMF ayaa xustay in in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay horumar weyn ka sameysay dhanka geeddi socodka barnaamijka Deyn Cafinta (HIPC), kaas ee u gogol xaarayo  in la gaaro dhammaadka sanadka 2023-ka ee dhammeystirka Deyn Cafinta.

“Wadatashigii waafaqsana Qodobka 4-aad ee u dhaxeeyay Hey’adda IMF iyo dib-u-eegistii afaraad ee Mashruuca Deyn Cafinta Soomaaliya/ ECF waxa ay muujineysaa isbeddel xoogan ee dhanka dhaqaalaha ah iyadoo ay waddanka saameeyaan xaaladaha ka dhashay isbedalada cimilada & dhaqaala xumada aduunka soo wajahday” ayaa lagu yiri warbixinta.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa soo dhaweeyay warbixinta ka soo baxday Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ee ku saabsan dib u eegistii 4-aad ee Barnaamijka ECF ee Deyn Cafinta.

Dr. Cilmi ayaa sheegay in tani ay ku timid dadaalka dowladda federaalka oo kaashaneysa shacabkeeda, wuxuuna u mahad-naqay Guddiga Sare ee Hay’adda IMF.

“Waxa aan soo dhaweynaa Warbixinta wayn ee ka soo baxday Guddiga Sare ee Hey’adda IMF ee ku saabsan natajiida ka dhalatay shirarkii iyo wadatashiydii aan ka yeellanay dib-u-eegistii afaraad ee Barnaamijka ECF ee dib-u-habeynta hannaanka Maaliyadda dalka iyo dhamaystirka arrimaha Deyn Cafinta Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda dalka.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in warbixinta ay muujineyso isbeddal weyn oo dhanka dhaqaalaha ah xilli ay jiraan xaalado adag oo ka dhashay isbeddalka cimilada.

“Warbixinta waxa ay muujineysaa isbeddel xooggan ee dhanka dhaqaalaha ah iyadoo ay waddanka saameeyaan xaaladaha ka dhashay isbeddelada cimilada iyo dhaqaala xummada adduunka soo wajahday”. ayuu markale sii raaciyay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa dadaal badan gelisay barnaamijka Deyn Cafinta oo sanado badan soo socday, kaas oo maraya gabagabo, waxayna kadib heli doontaa maal-gelin caalami ah.