26.3 C
Mogadishu
Friday, November 14, 2025

IMF oo soo saartay warbixin ay ku faraxday Soomaaliya

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) –  Hay’adda Lacagta Adduunka ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaanno IMF ayaa warbixin dhammeystiran kasoo saartay horumarka dhaqaalaha Soomaaliya, taas oo looga hadlay isbeddellada ay ku tallaabsatay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Warbixinta ay soo saartay IMF oo ah dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda Soomaaliya ayaa diiradda lagu saaray horumarka la sameeyay ee dhanka dhaqaalaha.

Warbixintan ayaa ku timid kadib laba toddobaad kulan ah oo ay wada yeeesheen qaar kamid ah hay’adaha Dowladda oo uu hoggaaminayay Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige iyo xubno sare oo ka socday IMF oo ay ugu sareysay Mrs. Ran Bi oo ah wakiilka arrimaha Soomaaliya ee IMF.

Sidoo kale warbixinta ayaa daba socota ansixintii guddiga sare ee Hay’adda oo shir gaar ah ka yeeshay natiijadii ka soo baxday kulankii dhexmaray hey’adaha Dowladda iyo IMF, sida ay ka hor sheegtay Guddiga Mrs. Ran Bi oo tilmaamtay in ay la kulantay natiijo la taaban karo kadib kulankii ay la yeelatay Wasiirka Maaliyadda iyo wafdigii uu hoggaaminayay oo Nairobi kulamo ku yeeshay 16-kii September ilaa iyo 8-da bisha October 2025.

IMF ayaa ku amaantay dadaalka dowladda Soomaaliya ee horumarinta ilaha dhaqaalaha iyo dib-u-habeynta hannaanka maamulka maaliyadda dalka, oo ay ugu muhiimsan yihiin sare u qaadidda dakhliga gudaha iyo hagaajinta shuruucda maaliyadda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale si wayn loogu bogaadiyay in ay ka go’an tahay sii wadidda arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda, xoojinta xeerarka maamulka canshuuraha iyo iibka Qaranka oo muhiim u ah sare u qaadidda dakhliga dalka.

Wasiir Biixi Imaan Cige oo ku hadlayay afka dhammaan hey’adaha Dowladda ee sida gaarka ah ula shaqeeya IMF ayaa soo dhaweeyay warbixintaan, isaga oo si weyn uga mahadceliyay wada shaqeynta sare ee hay’adda ee sababay horumarrada la gaaray.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in warbixinta ay ku timid dadaal xoogan oo ay galiyeen hannaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha dalka. Wasiirka Maaliyadda ayaa tilmaamay in ay Dowladdu sii laba laabayso dadaalka horumarineed ee dhaqaalaha Soomaaliya oo hadda meel wanaagsan maraya.

Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay sameyneysay kobac dhaqaale oo wayn, waxaana isbeddellada dhacay ay horseedeen in lagu guuleystay barnaamijkii dayn cafinta dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News