Imisa LACAG ah ayaa lagu cunaa mashruuca JANAN ee aan dhamaadka lahayn?

1. Janan oo dambiile ah, dad shacab ah xasuuqay, maxkamadna soo saartay waaran lagu soo qabanayo!

2. Janan oo dowlada isku soo dhiibay. Fahad Yasiin na kala shaqaynaya duminta maamulka Jubaland!

3. Janan oo ku xiran xabsi ku dhex yaala xarunta Nabad Sugida ee Habar Khadiijo!

4. Janan oo baxsad ah kana fakaday Xabsigii Nabad Sugida, lana baadi goobayo!

5. Janan oo qaran dumis ah, hoggaaminayana maleeshiyaad Kenya lagu soo tababaray!

6. Janan oo dagaal ku soo qaaday Beledxaawo, dad shacab ah xasuuqay, dambiyo dagaalna ku eedaysan mar labaad!

7. Janan oo wadani iyo qaraabo ah oo isagoo hoggaaminaya ciidamo aad u fara badan dowlada la heshiiyay!

8. Janan oo mar sideedaad shaati loo soo geliyana waan sugaynaa!

Janan sanadkiiba labo mar ayuu na soo maraa isagoo mashruuc ah (mar dambiile ah, mar maxbuus ah, mar fakad ah, mar qaran dumis ah, mar wadani ah, marna qaraabo ah) ee imisa lacag ah ayaa lagu cunaa mashruucan aan dhamaadka lahayn ee Cabdirashiid Janan?!

W/Q: Xildhibaan Mahad Salaad

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid