Imisa milyan oo dollar ayaa sanadkii ku baxda ilaalinta madaxweyne Erdogan?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa ku dhowaad 42 milyan oo dollar ku bixisay ilaalinta Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, qoyskiisa iyo xarumaha madaxtooyada lixdii bilood ee ugu horreysay sanadkan 2026, sida lagu sheegay xogta rasmiga ah ee kharashaadka dowladda.

Waaxda Ilaalinta Madaxtooyada ee hoos tagta Taliska Guud ee Booliska Turkiga ayaa muddadii u dhexeysay Janaayo iyo Juun kharash-gareysay 1.983 bilyan oo Liiraha Turkiga ah, oo u dhiganta qiyaastii 41.8 milyan oo dollar.

Lacagtaas ayaa ku dhow wadarta gunnooyinka hawlgabka ee ugu yar oo hal bil la siin karo ku dhowaad 84,000 oo qof, taas oo dhalisay hadal-heyn cusub xilli malaayiin Turkish ah ay la daalaa-dhacayaan sicir-barar iyo sare u kaca qiimaha nolosha.

Waaxdan ayaa mas’uul ka ah ilaalinta Erdogan iyo xubnaha qoyskiisa, waxaana sidoo kale shaqadeeda ka mid ah sugidda amniga guryaha iyo xafiisyada madaxtooyada, gaadiidka madaxweynaha iyo dhammaan dhismayaasha ama xarumaha uu isticmaalo.

Xogta Taliska Booliska ayaa muujineysa in lacagta lagu bixiyey ilaalinta madaxtooyada ay ka badneyd kharashaadka dhowr waaxood oo muhiim ah, oo ay ku jiraan sirdoonka booliska, la-dagaallanka argagixisada, dambiyada internetka, mukhaadaraadka iyo waaxda la-dagaallanka tahriibka iyo dambiyada abaabulan.

Kharashka oo aad u kordhay

Kharashka ilaalinta Erdogan ayaa sanadihii ugu dambeeyey si joogto ah sare ugu kacayay, inkasta oo tirooyinku aysan ku saleysneyn qiime laga saaray saameynta sicir-bararka sare ee Turkiga.

Sannadkii 2020, waaxdu waxay kharash-gareysay 263.1 milyan oo Liire, halka lacagtaasi ay gaartay 306 milyan sanadkii 2021 iyo 526.1 milyan sanadkii 2022.

Kharashka ayaa markii ugu horreysay ka gudbay hal bilyan oo Liire sanadkii 2023, markaas oo uu gaaray 1.077 bilyan. Wuxuu mar kale labalaabmay sanadkii 2024, isagoo gaaray 2.291 bilyan, ka hor inta uusan kor ugu kicin 2.932 bilyan oo Liire sanadkii 2025.

Lixdii bilood ee ugu horreysay sanadkan oo keliya ayaa lagu bixiyey lacag u dhiganta in ka badan saddex-meelood laba meelood wadarta kharashkii waaxda ee sanadkii 2025 oo dhan.

Habka loo ilaaliyo Erdogan ayaa muddo dheer soo jiitay indhaha shacabka Turkiga. Safarradiisa rasmiga ah waxaa inta badan la socda kolonyo gaadiid oo aad u ballaaran, ciidamo tiro badan iyo mararka qaarkood diyaaradaha qumaatiga u kaca.

Safarradaas ayaa sidoo kale sababa in la xiro waddooyin waaweyn, gaar ahaan magaalooyinka Ankara iyo Istanbul, taas oo keenta ciriiri iyo hakad ku yimaada isu socodka dadweynaha.

Sicir-barar weli sareeya

Kharashkan ayaa soo baxay xilli Turkigu uu weli wajahayo dhibaato dhaqaale iyo hoos u dhac ku yimid awoodda wax iibsiga ee muwaadiniinta.

Sicir-bararka sanadlaha ah ee dalka ayaa bishii October 2022 gaaray 85.5%, waxaana uu tan iyo markaas ku jiray heer laba-godle ah, inkasta oo uu si tartiib ah hoos ugu soo dhacayay bilihii dambe.

Xogta Machadka Tirakoobka Turkiga ayaa muujisay in sicir-bararka sanadlaha ahi uu bishii Juun hoos ugu dhacay 32.11%, marka loo eego 32.61% bishii May.

Hase yeeshee, qiimaha guryaha, biyaha, korontada, gaaska iyo shidaalka kale ayaa 45.14% ka sarreeyay halkii uu joogay sanad ka hor, halka qiimaha cuntada iyo cabitaannada aan khamriga ahayn uu kordhay 35.45%.

Kororka kharashaadka ilaalinta madaxtooyada ayaa sidaas darteed dhaliyay dhaleeceyn, iyadoo dadka kasoo horjeeda dowladda ay su’aalo ka keenayaan mudnaanta kharashaadka dadweynaha xilli mushaharka iyo gunnooyinka hawlgabku aysan la jaanqaadi karin sare u kaca qiimaha badeecadaha aasaasiga ah.

- Advertisement -

Read more

Local News