Imisa Shabaab ayaa lagu dilay duqeyntii ka dhacday duleedka Muqdisho? (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn ee ciidamada Kumaandooska Mareykanka ayaa duqeyn ka geysatay degaano ku yaalla dhanka Koonfureed ee magaalada Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay taliska Mareykanka Afrika ee AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntan si gaar ah loola beegsaday goob ay ku sugnaayen Saraakiil iyo xubno ka tirsan Shabaab.

Waxaa lagu sheegay qoraalka in duqeynta lagu dilay Saddex ka tirsan Al-Shabaab kuwaa oo in muddo ah loogu jiray baadi-goob.

Nuqul kamid ah qoraalka ayaa ahaa “Howlgal dhanka cirka ah ciidamadeena oo kaashanaya ciidanka Soomaaliya ay fuliyeen ayaa lagu dilay Saddex ka tirsan Al Shabaab, hawlgalka wuxuu ka dhacay degaan qiyaas ahaant 40-KM dhanka Koonfur Galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya”. ayaa lagu yiri qoraalka

Waxaa sidoo kale, qoraalka Taliska Mareykanka Afrika lagu sheegay in baaritaano ay sameeyeen lagu ogaaday inaanay jirin khasaare dadka rayidka ah ka soo gaaray duqeyntan.

Dhinaca kale, warbixinta ayaa waxaa lagu sheegay in weerarka ay u kaashteen ciidamada dowlada Federaalka iyo AMISOM, waxaana lagu xaqiijiyay inuu sii socon doono howlgalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com