Iridka hore ee VILLA Somalia oo magac cusub loo baxshay & Guluf Dagaal oo lagu dhawaaqay

Muqdisho (Caasimada Online)-Kulanka joogtada ah ee Golaha wasiirada xukuumada Somalia ayaa waxaa maanta looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xaqiijinta ammaanka Somalia ka hor inta aysan dhicin doorashada dalka.

Xubnaha Golaha ayaa isla soo qaaday weerarada is xigxiga ay maleeshiyada Al-shabaab ku qaadayaan goobaha ay ku kulmaan shacabka iyo kuwa dowlada.

Kulanka oo uu shir gudoominaayay Ra’isul wasaare ku- xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte Qaalib, ayaa waxaa laga soo saaray in ahmiyad gaar ah ay leedahay in doorashada dalka ka hor la wiiqo awooda maleeshiyada Al-shabaab.

Wasiirada ka hadlay kulanka ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirka Gaashaan dhiga Somalia Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini oo sheegay in ciidanka xoogga dalka ay bilaabayaan howgal xoogan oo lagula dagaalamaayo maleeshiyaadka Al-Shabaab , waxaana uu wacad ku maray in ay laba jibaari doono dagaalka Al-Shabaab.

Goluhu waxa ay isku raaceen in doorashada dalka ka hor guluf xooggan lagu qaado goobaha Al-shabaab ay ka joogaan dalka.

Golaha ayaa isku raacay in daryeel loo fidiyo carruurtii ay aabeyaashood ku geeriyoodeen qaraxyada Al-shabaab, gaar ahaan ciidamada, waxayna ballan qaadeen iney xagga waxbarashada iyo noloshaba ka taageerayaan.

Dhinaca kale, golaha wasiirada ayaa sheegay in irida Madaxtooyada Somalia loogu magac daray mid ka mid ah askartii ku dhimatay weerarkii lagu qaaday Hotelka SYL kaa soo lagu magacaabo Bashiir Abshir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com