Is-barbar dhig: Go’doonka ay DF gelisay Xamar iyo kan Shabaab ee Bay iyo Bakool

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa muddo 6 sano xaalad go’doon ah ku haya degmooyin ka tirsan Gobalada Bay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya, kadib markii laga saaray degmooyinka Gobaladaasi.

Si lamid ah Dowladda Soomaaliya ayaa xaalad go’doon ah gelisay magaalada Muqdisho muddo dhowr bil ka hor kadib markii ay u xaal waysay amaanka Gobalka Banaadir.

Al-Shabaab ayaa u diiday degmooyinka ay go’doomiyeen ee Bay iyo Bakool in ay gashay Maciishadda Qutul daruuriga ah iyo adeegyada kale ee Gobaladaasi looga baahanyahay, halka Dowladda Soomaaliya ay magaalada Muqdisho u diiday in ay soo gasho  Qudaarta, Maciishadda Qutul daruuriga ah iyo adeegyada kale ee ka soo daga Dekadda Muqdisho, kuwaas oo markii ay soo dagaan aan isaga gudbi karin magaalada.

Al-Shabaab adeegyada ama hantidada Ganacsatada ee sida dhuumaalaysiga ah ay ku soo geliayaan degaanada go’doonka saaraan waa ka gubaan hantidooda, halka Dowladda Soomaaliya ay dib ugu celiso ama ku baakinta goobta go’doonka ka bilaawdo waxaana halkaasi ku halaaba hantidii Ganacsatada Soomaaliyeed.

Al-Shabaab dadka ku nool Gobaladaasi waxay u diideen in ay la geeyo Dawooyin iyo qalabka Caafimaadka, halka Dowladda ay wadooyinka ka xiratay una diiday dhaq-dhaqaaq dadka Xanuunsan, Dumarka Foolanaya iyo Ardayda Waxbarashada ee Gobalka Banaadir.

Al-Shabaab dadka ku nool degaanada Bay iyo Bakool iyo Gaadiidka halkaasi ka shaqeeya waxay ka qaadaan wax ay ugu yeereen Zakawaad, halka Dowladda Soomaaliya ay  Canshuur ka qaado dadweynaha magaalada Muqdisho.

Al-Shabaab dadka ay ka qaadaan waxa ay ugu yeeraan Zakawaad kuma celiyaan laakiin waxay ugu badalaan in hantidooda loo adeegsado Qaraxyo, dilal iyo dagaalo, halka Dowladda Soomaaliya Canshuurta ay dadweynaha ka qaado u adeegsato bixinta adeegyadeeda sida Mushaaraadka Ciidamadii Shacabka wadooyinka ka xiri lahaa.

Al-Shabaab dadka ay Ciidamadooda dilaan ma marsiiyaan Xukun Cadaalad ah waana sii daayaan dembiilayaasha dadka Shacabka ah dila markii ay ka raadinayaan Zakawaadka ama adeegyo kale, halka Dowladda Soomaaliya Ciidamada Booliiska dadka ay dilaan aysan Cadaaalad marsiinin markii ay Shacabka dilaan.

Al-Shabaab dadka waxay ka qaadaan lacag aysan awoodin laakiin uguma badalaan adeegyo Bulsho, halka Dowladda Soomaaliya ay dadweynaha ka qaado Canshuur mana jirto wax adeeg Bulsho ah loogu badalo Canshuurtooda.

Al-Shabaab dadka waa dilaan, waana qarxiyaan, halka Dowladda Soomaaliya ay aad u yar-yihiin dilalka ay Ciidamada fuliyaan markii loo eego Al-Shabaab mana jirto wax qaraxyo ah oo fuliyaan Ciidamada dowladda oo la ogyahay.

Al-Shabaab dadka ka aragti duwan waxay ugu yeeraan Murtad, Gaal iyo waxyaabo kale waana dilaan, halka Dowladda kuwa ka aragti duwan ugu yeerto Qaran dumis, Qabiiliiste mararka qaarna waa xiraan waana la handadaa iyagoo u adeegsanaya Mucaarad.

Isbar bar dhigaan ma’ahan inaa isku mid ka dhigayn Dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab. Laakiin waxaan ka eegeynaa xaaladaha qaar ee dhanka maamul. Dowladda Soomaaliya waa nimaadka kaliya oo ay heshiis ku yihiin Umadda Soomaaliyeed aduunyada aqoonsantahay, hadii si fiican loo adeegsado waxay dan ugu jirta muwaadin kasta oo Soomaaliyeed hayeeshee hadda waddo sax ah cagta masaarin Xukuumadda maanta jirta.

W/Q: Cabdiraxmaan Cali Ducaale
Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid