Xog: Is-beddelo amni oo la sameenayo iyo Farmaajo oo dhimay awoodii Kheyre

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa maalmahaan socdo hadal heyn xooggan oo ku aadan inay dhawaan dhici doonaan isbadalo dhanka amniga ah, waxaana la filayaa inuu tallaabadaan qaadi doono Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sida ay xogta hoose iyo xanta sheegeyso Is bedelada ayaa la filayaa inay saameyso Taliyeyaal ciidan, inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn, hase yeeshee waxaa baraha bulshada qabsaday sheekooyin ku saabsan is bedelada iyo shaqsiyaad loo wado in la magacaabo.

Kaddib qaraxyadii labadii todobaad ee la soo dhaafay ka dhacay Muqdisho Madaxweyne Farmaajo ayaa u guuray Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga halkaas oo uu dhawaan mar u guuray kadibna uu sameeyey isbadal dhanka ciidamada ah.

Guuritaanka madaxweynaha ee Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa la filayaa inuu keeno inuu Madaxweynaha isbadal ku sameeyo Taliyaasha Ciidamada Amniga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa is rasmi ah u go’ansaday inuu la wareego qeyb ka mid ah awooddii uu siiyey Xukuumadda Xasan Cali Kheyre oo ay ugu horeyso midda Amniga oo uusan Madaxweynaha markii hore go’aan ku laheyn kadib markii uu Arrintaas xukuumadda uga fadhiistay.

Ciidamada Xasilinta Muqdisho ayaa si toos ah u hoos imaanayey Xukuumadda Xasan Cali Kheyre waxaana hadda lagu xareeyey Xarunta Xisbiga iyadoo isgoysyada ay joogeen la keenay ciidamo Militari ah oo ka tirsan Guutada 14 October oo la sameeyey kadib Qaraxii Soobe ka dhacay.

Madaxweynaha ayaa ka sheegay kulamo uu la qaatay Hey’adaha Amaanka inay lagama maarmaan tahay in isbadal lagu sameeyo istiraatiijiyada sugida amniga Caasimadda Muqdisho.

Sida ay xogta ku bixiyeen Diblomaasiyiinta reer galbeedka oo fadhigooda yahay Xalane oo si hoose u ogaaday arrintaan Madaxweynaha ayaa shaki la’aan sameyn doono isbadal dhanka amniga ah maalmaha soo socdo.

Taliyaasha sida gaarka ah isha loogu hayo in xilka laga qaadi doono ayaa ah Taliyaha Ciidamada Xogga dalka Cabdiweli Xuseen Jaamac (Gorod) kaasoo la filayo in lagu badalo  General Indha Qarshe oo dhawaan dalka kusoo laabtay.

Sidoo kale warar kale oo aan la hubin ayaa sheegayo in Taliyaha NISa Xuseen Cusman lagu badali doono Wasiirkii hore ee Amniga dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud G/Sare  Khaliif Axmed Ereg.

Madaxweynaha ayaa maalmihii dambe wado kulamo joogto ah oo la doonayo in wax badan looga badalo amniga waxaana macquul ah inay soo bixi karaan Taliyaal kale oo xilka laga qaadi doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com