Isbedelladii CAALAMKA iyo Geeska Afrika (Warbixin)

Caasimada OnlineCaasimada Online

Ethiopia:

2dii April 2018, waxaa Ra’iisal-Wasaare loo doortay Abiy Ahmed dalka Ethiopia, waxaana isla markiiba ka bilowday isbedello aan la fileyn Geeska Afrika. Ka hor waqtigaa, Soomaaliya waxaa siyaasad ahaan, si dadban hoggaanka u hayay beesha caalamka guuda ahaan, gaar ahaanna Ethiopia oo taladoodu shaqaynaysay inkastoo Madaxda Soomaaliyeed ay isugu jireen kuwo raalli ka ah, iyo kuwo qarsada dareenkooda diidmo. Abiy Ahmed, isla markiiba dalka Ethiopia wuxuu ka hirgaliyey isbedello isugu jira hagaajin siyaasadeed, cafis u fidinta mucaaradka Ethiopia dal iyo dibedba, wada hadallo la galidda hogaamiyayaasha ismaamullada, iyo ugu dambeyn u furfuridda wadanka dibedda iyo soo jiidashada maalgashadayaasha caalamiga ah iyo kuwa gudahaba oo loo fududeeyey sharciyeynta ganacsiga. Wuxuu ka shaqeeyey adkaynta daris wanaagga, asagoo soo afjaray dagaalkii Ethiopia kula jirtay Eritrea ku dhowaad 20ka sano. Wuxuu heshiisiiyey Djibouti iyo Eritrea oo ayaguna ku muransanaa soohdinta.  Wuxoo kaloo amray in lasoo qabqabto siyaasiyiintii iyo shakhsiyaadkii dambiyada ka galay wadanka haba ugu badnaadeene kuwii ku kacay musuqmaasuqa. Waxaa ku jiray kuwa cadaaladda loogu yeeray in la horgeeyo Colonel Gebregziabher, oo looga yaqaanay gudaha Soomaaliya Col. Gebre. Gebre wuxuu ahaa ninkii hogaaminayay ciidamadii Ethiopianka ahaa ee Soomaaliya soo galay 2006dii lana dagaalamayay hogaamiye kooxeedyadii iyo maxakamadihii Islaamiga ahaa, markii dambena u noqday lataliye siyaasadeed ururka IGAD. Isbedelka wuxuu soo gaaray Soomaalya oo xiriir diblomaasiyeed oo wanaagsan la yeelatay Ethiopia iyo Eritrea, halkaana waxaa ku soo idlaaday faragalintii qaawanayd ee Ethiopia ku haysay Soomaaliya iyo ku milankeedii siyaasadaheeda.

 

Isbedelladan, hadaba maxayse salka ku hayaan? Aan dib u milicsano taariikh kooban oo ku saabsan dhacdooyinkii isdaba yaallay ee adduunka ka dhacay kadib dhamaadkii dagaalkii labaad ee adduunka.

Dagaalkii qaboobaa ee u dhexeeyey Maraykanka iyo Sovietka iyo dhismihii Dawladda Isreal.

1947kii waxaa bilowday dagaalkii qaboobaa ee u dhexeeyey Maraykanka iyo Sovietka ujeedadissuna ahayd tartanka meel marinta nidaamyada siyaasadeed iyo dhaqaale ee uu mid walba hirgaliyey oo kala ahaa nidaamka libiraaliga ah iyo kan shuyuucidda. Loolan siyaasadeed oo adag baa dhexmaray, mid walbaana wuxuu hormarin ku sameeyey cududda militari iyo hubka lagu dagaallamo oo uu ugu waynyahay hubka Nuclearka. Waxay kaloo ay u kala tartamayeen hanashada dawladaha ka jira qaaradaha aduunka oo dhan, ilaa tartankoodii gaaray in dhulka la iskala tago, oo space-yada sare loo diro dayax gacmeedyo. Maraykan iyo Ruush waxay wada galeen dagaallo wakaaladeed, oo ay mar walba dabada ka riixayeen labadii dawladood walba oo ku dagaalama aduunka, wallow ay ka mideysnaayeen taageerada Israel. Bishii May sanadku markuu ahaa 1948kii, waxaa Yuhuudda la dajiyey dhulka Falastiin lana yagleelay dawlad loo bixiyey Israel, halkaana uu ka bilowday qalalaase iyo dagaallo lagu hoobtay oo ay carabtu kaga soo horjeedday aasaaska dawladda Israel kuwaasoo keenay in Galbeedka si wada jira ah ugu hiiliyaan Israel, si ay isugu sii fidiso dhulka Falastiin. Ugu dambayn, Sovietkii waa la kala furfuray, kadib markii uu dhaqaalihiisii daciifay, gobollo badanna ay rabeen inay ka baxaaan oo dawlado iskood isu taaga noqdaan sidey hadba isir ahaan isu leeyihiin. Dagaalkii qaboobaa wuxuu soo gabagaboobay 1991, waxaana soo haray awooddii Maraykanka oo kaliya siyaasad iyo dhaqaaleba.

Dagaalkii qaboobaa kadib

Kadib burburkii Sovietka, Maraykanku wuxuu isla markiiba sameeyey amar cusub oo caalami ah “New World Order” asagoo noqday asakariga adduunka wax u yeeriya maadaama aysan jirin quwad kaloo markaa la tartami karta. Inkastoo isutaggii Europe la aasaasay 1993kii, hadana uma muuqan mid awood ahaan la tartami kara Maraykanka. Hubkii uu Maraykan hormariyay iyo cududdii ciidan ee la dhisay intuu dagaalkii qaboobaa socday, lama wada isticmaalin oo wuxuu u baahday cusboonaysiin. Waxaa sidaa darted qasab noqotay in la sameeyo cadaw lala diriro, waana marka la helay cadawga caanka noqday ee loo bixyey argagixiso. Ka sokow cusboonaysiinta hubka, Maraykanku laba ujeeddo ayuu kalahaa samaynta argagixisada; 1) in uu isku sii fidiyo caalamka oo dhan, si istiraatiiji ah siiba Bariga Dhexe oo uu ku yeesho xerooyin militari oo fara badan, iyo 2) inuu yareeyo khatarta carabtu ee ku aaddan jiritaanka Isreal. Dawlado badan oo ay ku jiraan, Ciraaq, Yugoslavia, Somalia iyo Afghanistan buu Maraykan ku duulay, kadibna kacdoonkii carbeed baa dhashay, Khaliijkiina laba labaa la iskugu diray. Ugu dambayntiina, Israel baa waxay xiriir dhow la yeelatay dawladaha carbeed kuwoodii ugu saamaynta badnaa sida Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Waxaa daliil la yaab leh u ahayd samaynta argigixisada; waraysi lala yeeshay  George W. Bush (wiilka), markii Madaxweynaha Maraykanka loo doortay January 2001, Wariyuhu su’aalihii uu waydiiyey waxaa ka mid ahaa, ka waran kooxdan la magac baxday Taalibaan? Wuxuu ku jawaabay madaxweynuhu, oo xogta uu ka hayo Taalibaan aad u yarayd; waxaan u malaynayaa inay yihiin kooxaha ugu fiican kuwa tuma musika Rock and Roll ee Maraykanka ah. Kadib wariyihii ayaa ku celiyey, waxaan ula jeednaa Taalibaanka Afghanistan ka dagaalama, markaasuu yiri; haa kuwaas waa argagixiso. 9 bilood kadibna, Bush wuxuu ku qoob cayaarayay heeshihii Taaliibaanka kadib weerarkii gacan ku samayska ahaa ee September 11, 2001.

Isbedelka siyaasadda dibedda Maraykanka maxaa keenay?

Intii uu ku guda jiray Maraykanku isku fidinta aan ka soo sheekeynay, waxaa soo kordhayay dib-u-curashada Ruushka iyo Shiinaha oo dhaqaale ahaan kor usoo kacay. Labaduba waxay xiriir fog oo istaraatiiji ah la sameeyeen caalamka oo dhan taasoo bedeshay saamayntii siyaasadeed ee Maraykanku adduunka ku lahaa. Shiinaha wuxuu ku faa’iidaystay burburkii Sovietka, oo wuxuu buuxiyey booskii uu baneeyey asagoo maalgashi ballaaran ka hirgaliyey Afrika iyo Asia, halka Ruushku uu sii waday iibintii hubka balse dhaqaale ahaan uusan maalgashiyo waawaayn samayn ilaa laga soo gaaray 2000 markaasoo uu bilaabay inu, Europe iyo Bariga dhexe ka soo hoyiyey guulo siyaasadeed iyo mid dhaqaale. Maraykan, oo dhaqaalihiisu sii wiiqayay, tan iyo intii uu bilaabay argagixiso la dirirka, gaar ahaan hoos-u-dhicii dhaqaale ee Maraykanka ka dhacay 2008dii, ayaa iminka u muuqda mid dib u bilaabi raba kobcinta dhaqaalaha iyo soo celinta saamaynta siyaasadeed ee luntay taasoo lagu gaari karo, kaliya xasilooni siyaasadeed iyo cirib tirka argagixisada faaftay ee ujeedki laga lahaa dhamaaday.

Maraykanka ayaa doonaya inuu istiraatiijiyadiisii badalo, oo maalgashi fara badan ka sameeyo Europe, Latin America, Asia iyo Afrika. Maraykanku wuxuu 2018kii ballan qaaday maalgashi qaddarkiisu dhan yahay 60 billion oo doolar in uu ka samaynayo Geeska Afrika si uu u yareeyo saamaynta Shiinahu ku leeyihiin geyigaa. Maalgashigaa wuxuu isugu jira, dhisidda kaabayaasha sida, wadooyin, buundooyin, wadooyinka tareenada, biyo xireeno, dakado iyo wax soo saar macdaneed. Geeska Afrika, wuxuu ku wadaa inuu mas’uul uga noqdo Ethiopia, oo sida aan soo sheegnay, isbedello dagdaga ka dhaceen tan iyo 2018kii, asagoo la kaashanaya Sacuudiga iyo Imaaraadka oo xulufo dhow la ah Maryakanka. Imaaraadka iyo xulifadiisa waxay kaloo dagaal ku qaadeen Yemen, si ay u koontaroolaan u lana wareegaan baddaha dalkaas, ayadoo ay barbar socoto heshiis kula wareegista dekedaha Berbera iyo Boosaaso. Waxay kaloo ay heshiis la galeen dawladda Eritrea si ay u hormariyaan dekeddaha dalkaa, maadaama Eritrea laga soo saaray go’doonkii ay ku jirtay loona furfuray caalamka, kadib markii Djibouti ku gacan sayrtay Imaaraadka oo hormariyey Dekedda Containerada Doraleh. Djibouti waxay kaloo xiriir qoto dheer la yeelatay Shiinaha, taasoo sii kordhinaysa tartanka kala dhexeeya Maraykanka. Maalgalinta ugu badan, dakadaha ka sokow, wuxuu Maraykanka ka billaabay Ethiopia iyo Kenya, mashaariic lagu dhisayo wadooyin isku xira magaalooyinka waawayn ee labadaa dal iyo dawladaha dariska ah. Shidaal qodisna kama marna qorshayaasha dhaqaale ee Maraykanku ka damacsan yahay Geeska Afrika.

Maxay Ruushka iyo Shiinaha uga duwan yihiin Maraykanka

Shiinaha iyo Ruuskha ayaa la oran karaa ujeedada ugu wayn oo ay ka leeyihiin maalgalinada iyo kaabidda Afrika, Asia iyo Bariga Dhexe waa mid dhaqaale ahaan loogu tartamayo wax soo saarka tamarta oo uu ugu waynyahay shidaalka iyo gaaska iyo inay u helaan suuqyo wax soo saarkooda taasoo keenaysa saamayn siyaasadeed oo istiraatiiji ah. Badanaa, ujeedadoodu kuma sallaysna inay fidiyaan dhaqankooda, caadooyinkooda iyo luqadahooda, iyo faragalin ku sameeyaan siyaasadaha iyo hab dhaqanka dawladeed ee wadamada ay xiriirka la sameeyaan. Taa waxaa tusaale cad u ah, shirweynihii ugu horeeyey abid ee uu isugu yeeray Ruushka wadamada Afrika bishii October 2019kii, oo ay ka qaybgaleen madaxda Afrika oo dhan, halkaasi oo lagu furay baal cusub oo lagu adkeynayo xiriirka Ruushka iyo Afrika. Ujeedada shirkani, maalgashi ka sokow, wuxuu u xaqiijinayay madaxda Afrika inuusan soo fara gashaynin nidaamkooda dawladnimo ee uu rabo kaliya iskaashi siyaasadeed iyo mid dhaqaale. Waxaana halkaa uu isla markiiba ballan qaaday 12.5 billion doolarka Maraynkanka ah inuu Afrika ku maalgalinayo waxayna isugu jiraan warshadaha tamarta Nuclearka, iyo ganacsi furan.

Maraykanku dhinaca kale, ka sokow ujeedooyinka dhaqaale iyo saamaynta siyaasadeed, wuxuu aalaaba jecelyahay in uu ka meel mariyo Afrika libraaliyadda iyo dimuqraadiyadda, taas oo walwal badan ku dhalisa inta badan madaxda Afrika oo jecel in ay ka dhowrsanaadaan xiriir qoto dheer oo ay la galaan Maraykanka si ay isaga ilaaliyaan kacdoon shacab oo yarayn kara damacooda ah in ay kursiga sii joogaan muddo dheer. Waxay door bidaan Shiinaha iyo Ruushka oo aan ku khasbin dawladaha in ay isbedel siyaasadeed la yimaadaan. Waxaa tusaale inoogu filan, isbedelka deg degga ah ee uu Maraykan dabada ka riixayo ee ka dhashay Ethiopia, doorasho dimuqraadiyad ahna looga gali doono bisha August ee sanadkan 2020, halka Kenya uu horey uga hirgaliyey doorashooyin dimuqraadiyad ah, doorkana ku imaan doono Sudan, Eritrea, Djibouti, Somalia iyo Uganda, oo aan ka jirin doorashooyin qof iyo cod ah.

Hadaba, mar hadaanu ogaanay cidda isbedelladaa dabada ka riixaysa, su’aasha taagan baa waxay noqonaysaa, maxay uga dhigan tahay isbedelladaa dawladda Soomaaliya?

Soomaaliya: 1960-1991

Tan iyo markii ay Soomaaliya qaadatay xornimada 1960kii, ilaa 1969kii, waxaa la galay laba doorasho oo dimuqraadiyad ku dhisan, ka hor intuusan curan kacaankii uu hogaaminayay Siyaad Barre October 1969. Todobadi sano ee ugu horreysey, kacaankii wuxuu soo hoyiyey guulo badan oo ay ka mid ahaayeen hormarinta waxbarashada, qorista afka Soomaaliga, hormarinta caafimaadka, la dagaalanka musuqmaasuqii hareeyey dawladihii hore, hormarinta hanaanka garsoorka, kordhintii wax soo saarka dalka iyo hormarinta dhaqaalaha ayadoo warshado badan wadanka laga sameeyey, sida warshaddaha sonkorta, hilibka, kalluunka, yaanyada ama tamaatimta, baastada, daawada, sifeynta batroolka, shamiintada, iwm. Laakiin wuxuu kacaankii ku fashilmay inuu dalka ka hirgaliyo nidaam doorasho uu muwaadin walba ku hanan karo jagada Madaxweyne, iyo samaynta dawlad loo dhanyahay, sababtaa darteedna uu u burburey ugu dambayntii 1991. Siyaasad ahaan, kacaankii wuxuu raacayay nidaamka shuyuuciyadda oo wuxuu xulufo la ahaa Ruushka, maadaama aysan dimuqriaadiyad jirin, xilkana sii joogi karo ilaa inta uu doono. Dagaalkii 1977kii Soomaaliya la gashay Ethiopia, Ruushku wuxuu si cad ula saftay Ethiopia taasoo keentay in Soomaaliya laga adkaado, kacaankuna uu cilaaqaadka u jaro Sovietkii, xiriirna la sameeyo Maraykanka. Maraykan ilaa waa saanu sheegnay oo wuxuu mar walba isku dayaa inuu badalo nidaamka dawladeede, wuxuu ugu dambayn dabada ka riixay kacdoon shacab oo lagu ridayo nidaamkii kaligi taliska ahaa.   

Soomaaliya: 1991-2019

Kaib markii xukunka xoog looga tuuray Siyaad Barre 1991kii, waxaa wadanku galay daagaalo sokeeye oo lagu hoobtay. Waxaa soo baxay hogaamiye kooxeedyo cudud ciidan iyo agab dagaalba ku gaashaaman. Wada tashiyo badan oo lagu dhisayo dawlad Soomaaliyeed baa dhacay, balse aan miro dhalin. Dhinaca kale, waxaa gooni u goosasho ku dhawaaqday Somaliland 1991, iyo maamulka Puntland, oo aan Soomaaliya ka go’in oo samaysmay 1998. Ugu dambayn Sanadkii 2000, ayaa Djibouti lagusoo dhisay dawlad Soomaaliyeed, balse aan hano qaadin oo waxaa cagaha jiiday hogaamiye kooxeedyadii barigaa caasimadda Muqdisho ku xoog badnaa. Tii ku xigtey waxaa la yagleelay 2004tii bishii October, oo Madaxweyne loogu doortay Cabdullahi Yusuf, ayaduna ma miro dhalin oo isla hogaamiye kooxeedyadii iyo maxakadihii Islaamiga oo markaa samaysmay ayaa lugaha jiiday. Maxakamadihii Islaamiga ahaa waxay xoog yeesheen 2006dii waxayna isla waqtigaa sheegteen inay gacanta ku wada qabteen caasimadda Muqdisho, taageero badanna ka heleen dad badan oo Soomaali ah oo ku kala nool gobollada. Inkastoo Maxkamadihii ay laftoodu dawladnimo wadan shisheeye lagu soo sameeyey diidanaayeen, oo ay rabeen inay dawlad Islaami ah dhisaan, hadana waxay awood ku baabi’iyeen hogaamiye kooxeedyadii xooga badnaa. Markii dambena, Maxkamdihii way kala jabeen oo ayagana iska baaba’een, ilaa laga soo doortay Sheekh Shariif inuu hogaamiyo Dawlad Federaal ah oo ku meel gaar ah February 2009kii, isla waqtigaa oo Soomaaliya uu ka dillaacay ururka Alshabaab. Ugu dambayntii, waxaa laba dawladood oo Federaal buuxa ah la dhisay September 2012kii, iyo February 2017kii. Waxaana dhismay 4 Dawlad Goboleed, oo ay 5 ku tahay Puntland, marki laga reebo Somaliland oo gooni isu taagtay.

Soomaaliya: 2020

Burburkii kadib, wax danayn ah kama aysan helin Soomaaliya beesha caalamka iyo dawladaha dariska ah aan ka ahayn ka qaybqaadashada sii hurinta dagaalada sokeeye. Laakiin isbedellada caalamka ku yimi, iyo u kala tartamiddii hanashada dawlada oo ay wadeen Ruushka, Shiinaha iyo Maraykanka, ayaa keentay in la daneeyo arrimaha Soomaaliya. Maraykanka oo xeryo ciidan ka samaystay Soomaaliya gudaheeda intii uu la diriray argigixisada ayaa uga horeeya wadamada hogaaminaya hirgalinta xasilooni siyaasadeed oo laga sameeyo Soomaliya. Waraysi lala yeeshay Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo bishii February 2020, oo meelo badan taabtay, ayuu ku sheegay sida ugu dhaqsaha badan inay xukuumadiisu kusoo afjari doonto argigixisada ka dhex dagaalama gudaha Soomaaliya. Kadib, waraysigaa, xukuumaddu waxay ciidamo si gaar ah u tababaran geysey gobollada Gedo iyo Galguduud si loo xoojiyo dawladnimada ayagoo isu diyaarinaya inay dagaal ballaaran oo kama dambays ah la galaan argagixisada. Dhinaca kale, Bangiga adduunka iyo Sanduuqa Lacagta Adduunka, ayaa ku dhawaaqay billowgii sanadkan 2020, in Soomaaliya buuxisey shuruudihii dayn cafinta, ayna haatan u qalanto in daymaha laga cafiyo maadaama Soomaaliya samaysay dib u habeyn dhaqaale iyo qaab dhismeedka maamul lacageed. Soomaaliya waxay kaloo qaadday tillaabooyin ay ku soo jiidanayso maalgashiga shisheeye qaybta tamarta, kadib markii labada aqal ee Soomaaliya ay u codeeyeen ansixinta sharciga Batroolka, Madaxweynuhuna saxiixay inkastoo ay caqabado wali ka jiraan meelmarinta sharcigaa, gaar ahaan sida Dawladda Federaalku ugu dhex dari karto Maamul Goboleedyada siyaasadeeda ku wajahan Tamrata. Sidoo kale, dawlado ayaa ballan qaaday maalgashiga kaabayaasha dhaqaale, sida dawladda Qadar oo ballan qaadday dhisiidda dekedda Garacad ee Maamul Goboleedka Galmudug, iyo Imaaraadka oo horey gacanta ugu hayay labada dakadood ee Berbera iyo Boosaaso.

Hadaba maxaa xiga intaa?

Waxaa bishii February 2020 laga ansixiyey sharci doorasho Soomaaliya, oo qof iyo cod ah, taasoo badalaysa nidaamkii doorasho ee ku sallaysnaa qabiilka halkaa oo ay soo doori jireen xildhibaanada oday dhaqameedyada qabaa’isha. Waxaa wali taagan dhisidda dawlad goboleedka Jubbaland oo ay Federalka taageersan tahay, waxaana halkaa wali ka arrimiya Axmed Madoobe tan iyo 2012kii. Sanadkan 2020, waxay Dawladdu ka shaqaynaysaa in Dawlad Goboleedyada israacaan oo nidaamka Federalismka si buuxda loo dhaqan galiyo. Taasina waxay qayb ka tahay u diyaar garowga Soomaaliya ugu jirto sidii dadka oo wada jira ugu dareeri lahaayeen doorashada qof iyo codka ah sanadka 2021ka. Hogaamiyayaasha haatan talada u haya Soomaaliya, ayaa wada shaqayn wanaagsan kala dhaxaysaa Maraykanka, oo danaynaya isbedelleda gobollada Geeska Afrika, una arka hogaamiyayaashaa inay yihiin kuwa ayagu la jaanqaadi kara isbedellada ka socda Geeska Afrika. Wuxuu kaloo xiriir fiican kala dhexeeyaa madaxda dawladaha Geeska Afrika, sida Ethiopia iyo Eritrea oo doonaya si wada jir ah inay u aasaasaan urur siyaasadeed. Waxaa dhinaca kale sii xoogeeysanaya xisbiyada mucaaradka oo doonaya in ay ku midoobaan hal xisbi siyaasadeed si ay ula tartamaan xisbiga madaxda talada iminka haya ku dhawaaqi rabaan. Waxaa jira wada shaqayn la’aan u dhexeeya Puntland iyo Federaalka, sidoo kalena, Somaliland wali wada hadallo taabo gal ah lalama bilaabin ayadoo ay arrinta Jubaland-na wali kor u laalan tahay. Caqabadahaa oo dhan waxay wiiqi karaan dag dag u meel marinta doorashada 2021. Hadiise ay doorashadu hirgasho, waxaa la isweydiinayaa in dib loo soo dooran doono madaxda haatan talada u haysa Soomaaliya iyo in hogaamin cusub la isku raaci doono.

Hadaba, sidee bay Soomaaliya si gaar ah u saamaysay isbedelladan cusub ee hadda socda Geeska Afrika? Akhristow fikirkaaga ka dhiibo.

W/Q: Nasrudin M. Ahmed