Isimada P/L oo caddeeyey mowqifkooda go’aankii uu Gaas ku mamnuucay xubnaha DF (Dhageyso)

Garowe (Caasimada Online) – Qaar kamid ah isimada Puntland ayaa ka hor yimid go’aankii xukuumadda Puntland ay deegaanada maamulkaasi kaga mamnuucday shaqaalaha iyo wasiirada dowladda.

Isimada Puntland ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Garowe waxay kasoo saareen qoraal ay ku cadeynayaan in shaqsiyaadka aan dambi ka galin Puntland ay tagi karaan deegaanada maamulkaasi.

Suldaan Bashiir Muuse Koonte oo ku hadlay magaca isimada Puntland ayaa sheegay inay ka warhayaan qoraalka maamulka Puntland islamarkaana aysan taageersaneyn in go’aankaasi oo kale laga qaato shaqaalaha dowladda.

“Sidaad la socotaan warqada dhowr qodob ayay ka koobneyn, waxaan arintaasi kala hadalnay madaxweynaha, musharixiinta Puntland, saraakiisha ciidamada iyo waxgaradka, waxaana la isla gartay in waxii aan na qaban in laga saaro meesha”.

“Waxaa la isla garanay muwaadin kastaa oo Soomaali ah muwaadin kastaa oo reer Puntland ah, oo aan dambi cad ka galin Puntland inuu tago karo deegaanada Puntland, waxaana la isla gartay in amaanka laga wada shaqeeyo”ayuu yiri Suldaan Bashiir.

Suldaan Bashiir, ayaa dhinaca kale sheegay inay been abuur tahay in la xiray xawaaladihii deegaanada Puntland iyo bangiyada islamarkaana ay shaqeynayaan dhamaan xarumaha xawaaladaha.

Dhawaan amar kasoo baxay maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in shaqaalaha dowladda iyo wasiirada aysan tagi karin deegaanada maamulkaasi, waxaase kadib tagay magaalada Garowe xildhibaano baarlamaanka ka tirsan.

Halkan ka dhageyso codka

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com