ISKA FIIRI: Sidee ayaa ku garan kartaa xirriirada dhiig-miiradka ku dhisan?‏

By Asad Cabdullahi Mataan

Waxyaabaha aan barashada psychology ka faa’iiday waxaa ka mid ah barashada qandho nafsaani ah oo la yiraahdo Narcissistic Personality Disorder (NPD)  sidaa darteed waxay ila tahay inuu yahay macluumaad ay dadku ka faa’iidaysan karaan, qofka noocan ah tusaale ahaan way ku adag tahay inuu qof si rasmi ah u jeclaado haddii ay dhacdana waa KMG, lkn dadka uu sheego inuu jecel yahay wuxuu u ugaarsadaa sidii COOWLO dagan isagoo xiriirka dadka u adeegsada gaaritaanka dano isaga u gaar ah sida mansab, gaaritaanka dano dhaqaale, magac iyo xitaa baahidiisa jinsi.

Xiriirka qofka Narcistic-ga ah marna dhab ma noqon karo waayo wax kasta wuxuu ka eegayaa xagashiisa, sidaa darteed wuxuu xiriirkiisu maraa 3 marxalood oo kale ah: 1 – Over-evaluation Phase, 2 – The Devaluation Stage, 3 – The Discard Phase.

Wejiga 1-aad qofka oo ah mid uu u beegsanayo dano shakhsi ah oo uu isagu ogyahay sida maal, mansab iyo magac ayuu ku rusheeyaa amaan iyo jacayl aan xad lahayn.

Wejiga 2-aad marka uu ogaado inuu qofkii soo galay dabinkiisa ayuu u maalaa sidii neef irmaan isagoo aan u aaba yeelaynin dareenka qofka, fikirkiisa, rabitaankiisa IWM, sida aan ognahay qofka Narcistic-ga ihi ma aqoonsana wax aan tiisa ahayn, tusaale ahaan wuxuu kugu eedeeyaa inaadan hadiyad u keenin, inaadan kan u samaynin inaadan kaas u samaynin IWM, balse isagu abidkii cidna waxba ma siiyo ama uma huro, marxaladda 3-aad ayaa deeto timaadda waana markii albaabka lagu tusi lahaa iyadoo aan weliba si rasmi ah laguugu sheegaynin balse ama adiga ayaa inta daashay iska tegey ama si kale ayaad isu waydeen ama isagaaba mar dambe kuu sheegay.

Astaamaha aad ku garan karto haddii uu qof Narcist ihi Facebook sxb kugula yahay.

– Wuxuu buunbuuniyaa waxyaabaha isaga uun ku saabsan
– Wuxuu isu arkaa inuu yahay qof aan dhigan lahayn (unique), wuxuu aad ugu mashquulaa caqligiisa hadii uu qabo (Cerebral Narcissism), ama wuxuu aad ugu mashquulaa lebiskiisa, habdhiska jirkiisa, quruxdiisa ama muuqaalkiisa hadii uu qabo Somatic Narcissism).
– Wuxuu aad u raadiyaa qof koolkooliya isaga/iyada
– Wuxuu aad usoo post-gareeyaa sawirradiisa khaasatan kuwa ugu qurxoon sida ay la tahay.
– Waa dhiig-miirad danayste ah (manipulative, exploitative and sadist).
– Wa dareen raadis (attention seeker).
– Arrimaha guud sidaa uma daneeyo, sidoo kale kama hadlo posts-ka dadka kale, balse wuxuu jecel yahay in wall-kiisa uu aduunka oo idil iskugu yimaado.
– Wuxuu aaminsan yahay inuu mudan yahay in si gaar ah loola dhaqmo oo loo maamuuso
– Aragtidiisa oo dhami waa anaani oo isaga unbay ku meeraysataa
– Qofna lama laha xiriir run ah oo caadifi ah (emotional connection) ama dareen ku dhisan
– Had iyo goor waa masayr badan yahay ama waaba xaasid.
– Wuu kibir badan yahay si kibir ka muuqdana waa u dhaqmaan. xusuusnoow isagu mar walba waa mudane maamuus istaahila.
– Wuxuu muhiimad wayn siiyaa oo ku mashquulaa sida ay dadka kale ula dhaqmaan
– Wuxuu jecel yahay inuu ama qofka xakamaha u hayo oo uu marba dhan u jeediyo hadii uu qabo nooca loo yaqaano (Overt Narcissism) iyo inuu qofka dul saar ku ahaado, tusaale ahaan wuxuu kugu taageerayaa inaad guulaysato isagoo ay dantiisu ay tahay inuu halkaa wax ka macaasho (Inverted Narcissism).

s

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji Xuseen Raage

Farriin-Danabeed: maxaaji@hotmail.com

Gothenburg, Sweden