Iskuul Muqdisho ku yaal oo loogu kala cararay kadib shaki la xiriira arrin halis ah

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegaya in lagu kala cararay Iskuul ku yaal halkaas.

Iskuulka lagu kala cararay ayaa lagu magacaabaa Jaabir Bin Xayaat qeybtiisa uu ku leeyahay Xaafadda Nasteexo.

Iskuulka ayaa looga shakiyey in lagu aasay Miino kadib markii ay arrintaas soo gudbiyeen Haweeney dhinaca Nadaafada qaalbisaneyd iyo Macalin dugsi Quraan ku dhegan Iskuulka.

Banaanka hore ee Iskuulka ayaa lagu arkay Godweyn oo ay ka soo jeedeen fiiloyiin,taas oo shaki ku abauurtay macalimiinta Iskuulka iyo dadka Xaafadda dagan.

Maamulaha Iskuulka Jaabir Bin xayaat faraciisa Xaafada Nasteexo Cabduqaadir Maxamed Cali oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in markii ay arkeen Godka,isla markaana aysan garaneyn waxa ku jiray ay fasaxeen ardaydii.

Intaasi kadib ayuu sheegay inay yimaadeen ciidamo ka tirsan kuwa booliska oo uu hoggaaminayey taliyaha booliska degmada Wadajir iyo kuwa miino baarka,kuwaas oo Godkii ka soo saaray birooyin iyo fiilooyin la isku xir xiray.

Baaritaan dheer kadib ayaa la ogaaday inaysan waxyaabahaas aheyn kuwa Qarxa balse ay yihiin Fiilooyin iyo Biro halkaas ku jiro oo banaanka usoo baxay.

Xaaladda Amni ee Magaalada Muqdisho ayaa noqotay mid halis ah waxayna taas keentay in laga cabsado wax kasta oo u ek waxyaabaha Qarxa.

Jimcihii ayey aheyd markii jaamacadda Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho lagu dhex toogtay mid kamid ah ardaydii halkaas wax ka baraneysay oo la sheegay inay ka tirsaneyd Hey’adda NISA.

Baarlamaanka Soomaaliya aya maalmihii dambe waday dood ku saabsan Amniga waxaana eedeyn kulul dusha loo saaray Xukuumadda Xasan Cali Kheyre oo la sheegay inay ku fashilmatay amniga.

Halkaas hoose ka dhageyso Wareysiga Maamulaha Iskuulka:

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com