Israa’iil oo xaqiijisay dilka sarkaal sare oo ka tirsanaa Xamaas

Bookmark
Bookmarked

Share

Gaza (Caasimada Online) – Israa’iil ayaa xaqiijisay inay duqeyn ku dishay Jamal Abu Kamil, oo ay sheegtay inuu ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa booliska magaalada Gaza, xilli ay sii xoogeysanayaan dadaallada lagu doonayo in lagu hirgeliyo qorshe cusub oo lagu soo afjarayo dagaalka Gaza.

Ciidanka Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa sheegay in Abu Kamil uu ahaa taliye ka tirsan Xamaas, isla markaana uu ku lug lahaa weerarradii 7-dii Oktoobar, iyagoo ku eedeeyay inuu qorsheeyay oo fuliyay falal ay Israa’iil ku tilmaantay “weerarro argagixiso”.

Dhimashada sarkaalka ayaa horay waxaa u shaacisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Gaza oo sheegtay in gaarigiisa lala beegsaday weerar cirka ah. Wasaaraddu waxay Israa’iil ku eedeysay inay isku dayayso inay Gaza ka abuurto fowdo iyo qalalaase hor leh.

IDF ayaa markii dambe xaqiijisay weerarka, iyadoo ku adkaysatay in bartilmaameedku ahaa Abu Kamil, kaas oo ay ku sheegtay inuu door ku lahaa howlaha amni iyo militari ee Xamaas.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in Golaha Nabadda uu gaaray heshiis ku saabsan hub ka dhigista buuxda ee Xamaas iyo dhammaan kooxaha hubaysan ee ka howlgala Marinka Gaza.

Trump ayaa sheegay in heshiiskaasi uu qeyb ka yahay qorshe ballaaran oo lagu soo afjarayo colaadda, isla markaana tallaabada hub-dhigista ay tahay qodob muhiim u ah marxaladda xigta ee qorshaha nabadeed.

Ururka Xamaas ayaa aqbalay qorshaha Golaha Nabadda ee dhigaya in Gaza gabi ahaanba laga dhigo meel ka caagan hubka kooxaha hubaysan, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan ururka. Sarkaalkan ayaa sheegay in bayaan rasmi ah oo arrintaasi ku saabsan la soo saari doono.

Hase yeeshee, Xamaas weli si rasmi ah uma faahfaahin dhammaan qodobada heshiiska ama sida loo fulinayo hub-dhigista, halka dhinaca Israa’iil aysan weli si rasmi ah uga jawaabin hadalka laga soo xigtay Xamaas.

Trump ayaa sidoo kale sheegay in Israa’iil ay ka bixi doonto Marinka Gaza marka hub-dhigista si buuxda loo dhammeeyo, taas oo uu ku tilmaamay qayb muhiim ah oo ka mid ah qorshaha lagu soo afjarayo dagaalka.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa heshiiska ku tilmaamay “tallaabo muhiim ah” oo horseedi karta in ugu dambeyn Gaza ay maamusho dowlad cusub oo Falastiini ah, taas oo ka duwan qaabkii maamul ee jiray muddadii colaadda.

Horumarradan ayaa imanaya xilli xaaladda Gaza ay weli tahay mid xasaasi ah, iyadoo indhaha caalamka ay ku jeedaan tallaabooyinka xiga ee Xamaas, Israa’iil iyo Mareykanka, iyo in qorshaha hub-dhigista uu dhab ahaan u horseedi karo xabbad-joojin waarta iyo isbeddel siyaasadeed oo ka dhaca Gaza.

- Advertisement -

Read more

Local News