Itoobiya oo diiday arrin ay soo jeedisay dowlada Sudan iyo xiisadda kasii dareysa

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dawladda Ethiopia ayaa iska diiday soo-jeedin ka timid dalka Sudan, midaasi oo la xiriirtay xiisada adag ee biyaha wabiga Nile oo sanadihii dambe isku hayaan labadaas dowladood iyo Masar.

Sudan ayaa soo jeedisay in arrinta biyaha wabiga Nile ay ka wada xaajoodaan afarta dhinac ee Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo Dalwadda Maraykanka, si xal looga gaaro xiisada muddada dheer ka dhex aloosneyd saddexda dal.

Diidmada Ethiopia ayaa imaneysa xilli saddexda dal ee arrintan isku haya oo kala ah Ethiopia, Masar iyo Sudan ay ku guuleysan la’yihiin inay xal ka gaaraan muranka ka dhashay biyo-xireenka ay Ethiopia ka dhiseyso webiga Nile.

Soo-jeedinta Sudan ayaa waxa taageertay dowladda Masar oo xiisadaas kala dhaxeyso Itoobiya, waxayna u aragtaa mid da-dajin karta xal ka gaarista xiisada wabiga Nile oo ka dhalatay biyo-xireenka Itoobiya.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya, Dina Mufti ayaa warbaahinta u sheegay in diidmada dowladiisa ee la xiriirta hindisaha Sudan gaarsiiyeen wafdiga dowladda Kongo, wuxuuna sheegay inay weli ku adkeysaneyso xukuumadiisu in dhex-dhexaadiyaha muranka wabiga uu keliya ahaado Midowga Afrika.

Arrintan ayaa imaneysa xili ay dhowr jeer bur-bureen wada-hadalo u dhaxeeyay saddexda dowladeed ee ku muransan biyaha wabiga Nile, kuwaasi oo fashil kusoo afmeeray kadib markii dhinacyada is-diidan ay heshiis wada gaari waayeen.

Horaantii sanadkan cusub ayaa waxa heshiis cusub wada gaaray dalalka Masar iyo Sudan, kaasi oo lagu xoojinayo iskaashi labada dhinac dhex-mara, gaar ahaan nabad galyada labada xukuumadood iyo gobolka guud ahaan.

Sudan iyo Masar ayaa isku mowqif ka ah xiisada wabiga, ayaga oo culeys saaraya dowladda Itoobiya oo xiligan ay ku furan yihiin dagaalo gudaheeda, mana cada halka ay ku dambeyn doonaan wada-hadalada saddex-geesoodka ah.