Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa faah-faahin ka bixiyay sababaha ay Itoobiya u raadineyso helitaanka marin-badeed, iyadoo sheegtay in arrintu aysan ku koobnayn baahida gaadiidka iyo ganacsiga.
Xildhibaan Fethi Mahdi oo ah ku-xigeenka Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Xidhiidhka Dibadda iyo Arrimaha Nabadda ee Golaha Wakiillada Shacabka Itoobiya ayaa sheegay in doonista marin-badeedku ay Itoobiya u leedahay dhinacyo dhaqaale, sharci iyo taariikhi ah.
Fethi ayaa ku dooday in xaaladda hadda jirta ay caqabad ku tahay horumarka dhaqaale ee dalka iyo isku xirka Itoobiya iyo suuqyada caalamka. Xildhibaanka ayaa sheegay in daraasado uu ku sheegay inay sameeyeen Qaramada Midoobay ay muujinayaan in dalalka aan bad lahayn ay lumin karaan illaa 25 boqolkiiba wax-soo-saarkooda gudaha marka loo eego dalalka leh marin toos ah oo badeed.
Ku dhowaad 95 boqolkiiba badeecadaha Itoobiya laga soo dejiyo ama loo dhoofiyo ay hadda maraan hal deked, taas oo uu sheegay inay dalka ku kacdo kharash gaaraya illaa 2 bilyan oo dollar sannadkii oo la xiriira adeegyada dekedaha, sida uu sheegay Fethi.
Sidoo kale wuxuu sheegay in kharashka badan ee ku baxa adeegyada dekedaha iyo gaadiidka uu saameyn ku yeesho dhaqaalaha Itoobiya, wuxuuna xusay inuu sare u qaado sicir-bararka, caqabad ku noqdo dhoofinta, isla markaana yareeyo fursadaha shaqo abuurka.
Fethi ayaa dooddiisa ku saleeyay taariikhda Itoobiya, isagoo xusay xiriirkii boqortooyadii Aksum ay la lahayd Badda Cas iyo dekedii qadiimiga ahayd ee Adulis, taas oo uu sheegay inay caddeyn u tahay xiriirkii taariikhiga ahaa ee Itoobiya iyo marin-biyoodkaas.
Wuxuu ku dooday in Itoobiya ay taariikh ahaan lahayd xiriir badeed, isla markaana marin-badeedka dalka laga qaaday iyadoo aan loo marin hannaan uu ku tilmaamay mid sharci ah. Hadalkan ayaa qeyb ka ah doodda Addis Ababa ee ku saabsan baahida ay u qabto marin ay si toos ah uga gaarto badda.
Dhinaca sharciga caalamiga ah, xildhibaanku wuxuu tixraacay Axdiga Qaramada Midoobay ee Sharciga Badda (UNCLOS), oo uu sheegay inuu ka hadlayo xuquuqda dalalka aan bad lahayn ee la xiriirta helitaanka marin ay uga gudbaan dhulka dalalka kale si ay u gaaraan badda.
Fethi ayaa sidoo kale soo hadal qaaday Bayaanka Siyaasadeed ee Awaza, kaas oo lagu ansixiyay shirkii saddexaad ee Qaramada Midoobay ee Dalalka Horumarkoodu Yaryahay ee aan Badda Lahayn, laguna qabtay dalka Turkmenistan.
Wuxuu sheegay in Itoobiya ay arrinta marin-badeedka kala hadleyso dalalka deriska ah iyo hay’adaha caalamiga ah, iyadoo uu xusay in Addis Ababa ay dooneyso in arrintan lagu xalliyo wada-hadal iyo heshiisyo nabadeed oo labada dhinacba faa’iido u leh.
Si kastaba, xildhibaanka ayaa ku adkeystay in Itoobiya aysan doonisteeda marin-badeed u arkin arrin ku kooban danaha dalka oo keliya, balse uu ku tilmaamay fursad lagu horumarin karo dhaqaalaha Geeska Afrika iyo xiriirka ganacsi ee dalalka gobolka.
“Helitaanka marin-badeedku waa arrin ku saabsan horumarinta gobolka, kobcinta dhaqaalaha gobolka iyo xaqiijinta is-dhexgalka gobolka,” ayuu yiri Fethi, oo ku celiyay muhiimadda ay Addis Ababa u aragto badda.
Hadallada xildhibaanka ayaa kusoo beegmaya xilli Itoobiya ay sannadihii u dambeeyay si xooggan u muujinaysay baahideeda ku aaddan helitaanka marin-badeed, gaar ahaan iyadoo ay tahay mid ka mid ah dalalka ugu dadka badan Afrika ee aan lahayn xeeb. Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda si cad uga soo horjeedda heshiis kasta oo ay Itoobiya ku raadineyso marin-badeed ku saleysan dhulka Soomaaliya.

