Itoobiya oo kumanaan askari kala baxaysa Soomaaliya kadib…

Bookmark
Bookmarked

Share

Addis Ababa (Caasimada Online) — Dowladda Itoobiya ayaa qorsheyneysa inay in ka badan 3,000 oo askari kala baxdo Soomaaliya, iyadoo dagaallada sii xoogeysanaya ee gudaha dalkaas ay xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ku qasbayaan inay dib u habeyso ciidamadeeda, sida ay Arbacadii sheegtay Bloomberg.

Ciidamada ayaa la filayaa inay Soomaaliya ka baxaan maalmaha ama toddobaadyada soo socda, sida ay Bloomberg kasoo xigatay dad xog-ogaal u ah qorshaha oo codsaday inaan magacyadooda la shaacin maadaama aan loo oggolaan inay warbaahinta la hadlaan.

Bloomberg ma aysan sheegin in ciidamada la qorsheynayo in laga saaro Soomaaliya ay yihiin kuwa Itoobiya kaga jira howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, ciidamo ku jooga heshiis laba geesood ah, ama labadaba.

Haddii qorshahan la fuliyo, wuxuu noqon karaa mid ka mid ah dib-u-celintii ugu weyneyd ee ciidamada Itoobiya looga saaro Soomaaliya sanadihii u dambeeyey, xilli dagaalka Al-Shabaab uu weli ka socdo qaybo badan oo dalka ah.

Itoobiya ayaa muddo dheer kumannaan askari ku haysay Soomaaliya, kuwaas oo qaarkood ka tirsan howlgalka Midowga Afrika, halka kuwo kalena ay ku joogaan heshiisyo toos ah oo dhinaca amniga ah.

Ciidamada Itoobiya waxay si gaar ah uga howlgalaan gobollo ay ka mid yihiin Bay, Bakool, Gedo iyo Hiiraan, kuwaas oo qaarkood ku dhow xadka labada dal.

Dagaalka gudaha Itoobiya 

Qorshaha ay Bloomberg werisay ayaa kusoo beegmaya iyadoo dagaallo culus ay dib uga qarxeen waqooyiga Itoobiya, taas oo kordhisay baahida Addis Ababa u qabto ciidamo ay gudaha dalka ku adeegsato.

Ciidamada federaalka iyo xoogag xulufo la ah ayaa maalmihii la soo dhaafay dagaal kula jiray ciidamada Tigray iyo kooxo kale oo hubeysan, iyadoo heshiiskii Pretoria ee 2022 ee soo afjaray dagaalkii Tigray uu wajahayo cadaadis xooggan.

Ciidamada taageersan dowladda ayaa Isniintii la wareegay magaalada istiraatiijiga ah ee Alamata, waxayna u dhaqaaqeen dhanka waqooyi ee caasimadda Tigray ee Mekelle, sida ay Bloomberg sheegtay.

Dagaallada iyo weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa sidoo kale sababay dhimasho iyo dhaawac badan.

Hay’adda Médecins Sans Frontières ayaa sheegtay in in ka badan 700 oo qof oo dhaawac ah ay tageen isbitaallo ay taageerto oo ku yaalla Korem, Alamata iyo Shire.

“Xaaladda hadda ka jirta waqooyiga Itoobiya waa mid aad u walaac badan,” ayay MSF sheegtay, iyadoo tilmaantay inay sii kordhayaan dadka dhaawacyada dagaalka qaba.

Dagaallada cusub ayaa qarxay afar sano kadib markii dowladda Itoobiya iyo Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray ee TPLF ay heshiis nabadeed ku soo afjareen dagaal socday laba sano oo sababay dhimashada boqollaal kun oo qof.

Isbahaysi cusub 

Xiisadda ayaa sii xoogeysatay kadib markii toddobo kooxood oo hubeysan, oo ay ku jiraan TPLF, Oromo Liberation Army iyo xoogagga Fano ee Amxaarada, ay sameysteen isbahaysi ka soo horjeeda dowladda Abiy Ahmed.

Kooxaha ayaa sheegay inay doonayaan inay meesha ka saaraan dowladda hadda jirta oo ay dhisaan maamul ku-meel-gaar ah.

Taliyaha ciidamada Itoobiya, Field Marshal Birhanu Jula, ayaa sidoo kale Masar, Sudan iyo Eritrea ku eedeeyey inay taageerayaan kooxaha hubeysan ee dagaalka kula jira dowladda.

Saddexda dal ayaa beeniyey eedeymahaas.

Xiisadda ayaa sidoo kale ku fiday gobolka Afar, oo muhiim u ah Itoobiya sababtoo ah waxaa mara waddada isku xirta Addis Ababa iyo Jabuuti, halkaas oo ay maraan inta badan badeecadaha soo gala iyo kuwa ka baxa Itoobiya.

Ma ahan markii ugu horreysay ee dagaal gudaha Itoobiya ka qarxa uu saameeyo joogitaanka ciidamadeeda Soomaaliya.

Markii dagaalkii Tigray uu billowday sanadkii 2020, Addis Ababa ayaa kumannaan askari kala baxday Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan dagaalka gudaha Itoobiya.

Sida ay Bloomberg sheegtay, xaaladda hadda jirta ayaa mar kale dowladda Abiy ku cadaadineysa inay kala doorato ciidamadeeda ku sugan dalalka deriska ah iyo baahida sii kordheysa ee dagaallada gudaha.

Bixitaan ballaaran oo ciidamada Itoobiya ah ayaa sidoo kale abuuri kara caqabado amni oo cusub gudaha Soomaaliya, halkaas oo Al-Shabaab ay weli dagaal xooggan kula jirto dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika.

Bloomberg ayaa sheegtay in afhayeen u hadlay dowladda Itoobiya uusan ka jawaabin su’aalo ay ka weydiisay dagaallada iyo qorshaha la sheegay ee ciidamada looga saarayo Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News