Itoobiya oo sabab yaab lehi ceyrisay shirkad shidaal ka qodeysay gobolka Soomaalida

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa qandaraaska ka joojisay shirkad qaabilsan shidaalka oo laga leeyahay dalka Shiinaha. Shirkadaan oo ay qeyb ahaan leedahay dowladda Shiinaha ayaa shidaal qodis ka waday dhulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Itoobiya waxay sheegtay inay shirkadda Poly-PGL ay kuu guul-dareysatay inay raacdo heshiiska ku saabsan dhaqaalaha iyo dhanka farsamada ee shidaal soo saarista.

Dadka deegaanka ayaa ku eedeeyay shirkadaan inay sumeysay ceelasha biyaha, kadib markii ay shirkadda ku daadisay waxyaabo waxyeelleynaya deegaanka. Shirkadda kama aysan hadlin eedeymaha loo jeediyay.

Dowladda Itoobiya ayaa qorsheyneysay in ay ka faa’iideysato ceelal shidaal oo laga helay deegaanka Soomaalida, laakiin waxaa jirta cabasho ay dadka Soomaalida ah ka qabaan mashruucaan oo ah mid aad u baaxad weyn.

Shirkad Shiineys ah, oo in muddo ah qiimeyn ku sameyneysay ceelasha shidaalka iyo sida loo wajihi karo howsha qodista, ayaa dhawaan dowladda federaalka Itoobiya u xaqiijisay in la qaadi karo tallaabada ka faa’iideysiga.

Muddo dheer ayay Itoobiya ku howlaneyd inay xog dhammaystiran ka hesho kheyraadka dabiiciga ah ee gaarka ku ah gobolka Soomaalida.