Jaamac oo ku dhiiraday arrin ka dhan ah R/wasaare Xamza

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta ku dhiiraday tallaabo culus oo ka dhan ah ra’iisul wasaaraha iyo xukuumaddiisa, isagoo qaraar kusoo saaray mooshinkii shalay lagu baabi’iyay  wareegtadii ra’iisul wasaare Xamza ee ku aadanaa in xilalka agaasime-waaxeedyada wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda lagu buuxiyo hannaan tartan ah.

Guddoonka baarlamaanka ayaa soo jeediyay nin guddiga shaqaalaha rayidka ee dowladda loo madaxbanneeyo gudashada waajibaadkiisa iyo fulinta hawlaha sharci ahaan loo igmaday ee ay kamid tahay shaqo qoridda, magacabidda iyo dalacsiinta shaqaalaha rayidka dowladda.

Waxaa kale oo guddiga qaran ee shaqaalaha rayidka la amray inuu u hoggaansamo kala madaxbanaanida hay’adaha dowladda ee fulinta, garsoorka iyo sharcidajinta ee la xiriira arrimaha shaqaalaha.

Sidoo kale, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa la faray inay soo gudbiso sharciyada la xiriira dib-u-habeynta iyo casriyaynta shaqaalaha rayidka dowladda, si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla.

Arrintan ayaa keentay is-qab-qabsi awoodeed oo durbo ka dhex bilowday guddoonka baarlamaanka iyo  xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. Is-haysiga labada xafiis ayaa loo arkaa mid salka ku haya ku tartanka awoodda iyo saamaynta siyaasadda guud ee dalka.

Dhinaca kale, falcelin xooggan iyo hadal-heyn ayaa ka dhalatay tallaabada uu qaaday guddoonka baarlamaanka ee la xiriirta laalista qaraarkii uu soo saaray ra’iisul wasaaruhu.

Cabdiraxmaan Aadan: “Ku-simaha Madaxweynaha waan salaameynaa ee tartan furan oo gacan madaxbanaan maamusha halaga dhigo tartanka Dowladda”.

Maxamed Cali Cabdi: “Baarlamanka hadda joogo waa maalintii ugu horreysay oo ay wax diidaan”.

Sakariye Kooshin: “Madaxaa na furan amuu taariikh dhigaa sida PM Rooble, ducaysane dalka badbaadiyaa insha allah”.

Maxamed Shaawey: “Tartan aqoon haddii la dhaho ayaga xilka waa weynayaan xitaa waa iska rixeyn”.

Isxaaq Caato: “Golaha Shacabka Soomaaliyeed rajo ayuu leeyahay markaan”.

- Advertisement -

Read more

Local News