Xildhibaan Jacfar oo farriin culus kasoo diray Afisyoone

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar oo Wariyeyaasha kula hadlay xarunta Teendhada Afisyoone ayaa ka hadlay doorashada guddoomiyaha baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen oo saacadaha soo socda ka dhaceysa halkaasi.

Jacfar ayaa marka hore beeniyey in xildhibaano laga celiyey goobta ay doorashada ka dhaceyso, maadaama la geeyey ciidamo dheeraad ah oo suga amniga Afisyoone.

Sidoo kale xildhibaannada aan weli tegin goobta ayuu farriin u diray, wuxuuna ugu baaqay inay soo xaadiraan, si loo qabto doorashada guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya.

“Wax la celi karaahu ma jiraan qof kasta hasoo socoto marka la celsho markaas ayaa war nooga dambeeyaa qof walba hasoo socoto ha timaado hoolka,” ayuu yiri xildhibaan Jafar.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Musharixiinta ha yimaadaan iyagaa doorasho rabee yeysan meesha nagu lugoyn,”.

Doorashada ayaa lagu wadaa inay goordhow bilaabato, waxaana Afisyoone si teel teel ah u gaaraya xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya, si ay guddoon u doortaan.

Xiisad xoogan ayaa ka taagan doorashada guddoonka Golaha Shacabka, waxayna ka dhalatay xildhibaannada lagu soo kala doortay Ceelwaaq iyo Garbahaarey, mida kale waa arrinta amniga oo uu is qab qabsi ka dhashay, maadaama ra’iisul wasaaraha amray inay la wareegaan ciidamada ATMIS, halka ay ka horyimaadeen Farmaajo iyo taliyaha Ciidanka Booliska, taas oo xiisadda uga sii dartay.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse shalay ayey aheyd markii xarunta Afisyoone lagu qabtay doorashada guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare iyo labadiisa ku xigeen.