Jadwalka iyo shuruudaha doorashada guddoomiyaha baarlamanka oo la shaaciyay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa si rasmi ah u shaaciyay jadwalka doorashada guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka, iyadoo sidoo kale la bilaabay habraacyada diiwaangelinta musharraxiinta u tartamaya xilkaas.

War-saxaafadeed uu soo saaray guddiga ayaa lagu sheegay in diiwaangelinta musharraxiinta ay ka dhici doonto xarunta Villa Hargeysa inta u dhexeysa 5-ta iyo 6-da August 2026.

Guddigu wuxuu sidoo kale sheegay in khudbadaha musharraxiinta ay qabsoomi doonto 8-da August, halka doodda tooska ah ee musharraxiinta loo asteeyay 9-ka August.

Sida jadwalku dhigayo, doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa si rasmi ah u dhici doonta 10-ka August 2026, iyadoo xildhibaannada Golaha Shacabka ay codkooda ku dooran doonaan hoggaanka cusub ee golaha.

Guddiga ayaa sidoo kale shaaciyay in musharraxa u tartamaya xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka laga rabo inuu bixiyo lacag dhan $30,000, halka musharrax dumar ah laga doonayo $15,000. Lacagahaas ayaa lagu shubayaa koontada Golaha Shacabka ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

Shuruudaha lagu xiray musharraxiinta waxaa ka mid ah in qofka tartamaya uu xubin ka yahay Golaha Shacabka, da’diisuna aysan ka yaraan 35 sano.

Sidoo kale waa inuu yahay muwaadin Soomaaliyeed oo waalidkiis Soomaaliyeed yihiin, isla markaana uusan haysan jinsiyad kale ama uu caddeeyo inuu ka tanaasulayo haddii loo doorto xilka. Waxaa kale oo musharaxa laga doonayaa inuu caddeeyo hantida uu leeyahay, una gudbiyo hab qoraal ah Xafiiska Hanti-dhowrka Guud.

Intaa waxaa dheer, musharraxiinta waa inay guddiga u gudbiyaan codsigooda rasmiga ah, taariikh nololeedkooda (CV), nuqulka aqoonsiga xildhibaannimada, laba sawir oo baasaboor ah iyo warqadda caddeyneysa bixinta kharashka diiwaangelinta, si loo dhammaystiro habraaca tartanka.

Doorashadan ayaa ku soo beegmeysa xilli Golaha Shacabka uu isku diyaarinayo soo xulista guddoomiye cusub, kadib bannaanida xilka, waxaana la filayaa inay noqoto mid si weyn isha loogu hayo, maadaama natiijadeedu saameyn ku yeelan doonto hoggaanka iyo jihada shaqo ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News