Cabdirashiid JANAN ma is-dhiibay mise heshiis ayuu la galay VILLA SOMALIA?

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii ka dhacay tuulada Najax oo katirsan degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo waxa ka qaybgalay Wasiiro iyo saraakiil katirsan xukuumadda xilligeedu dhammaaday iyo Cabdirahsiid Janan wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland.

Inkasta oo aan labada dhinac soo bandhigin qoraalka heshiiska ay wada-galeen haddana Wasiir-kuxigeenka Warfaafinta Cabdiraxamaan Yuusuf ayaa ka sheegay isu soo bax lagu soo dhoweynayey Janan iyo ciidanka la socday ayaa yiri: Wasiirku waxa uu halkaan ku yimid laba qodob oo is xambaarsan!

1 – Waa garasho iyo damqasho uu isagu gartay in uu Qaranka Soomaaliyeed u hiilliyo, in uu dadka magaaladan iyo gobolkan ku nool u hiilliyo! taasna waxa uu ku qaatay in uu ku qaybqaato Nabadgelyada iyo sidii loo soo afjari lahaa collaadda halkan ka jirtay.

2 – Kan labaad waa dadaal ay bixisay dowladda Soomaaliya oo ku aaddan sidii isfaham looga gaari lahaa tabashadii dadka reer Gedo, gaar ahaan Wasiir Janan iyo xiisaddii jirtay sidii loo xallin lahaa, go’aanka uu qaatay Janan waa hiil qaran oo Taariikhi ah.

Cabdirashiid Janan oo isna kahadlay kulankaas ma xusin heshiis uu la galay Xukuumadda hayeeshee waxa uu sheegay in uu u qaatay go’aankan u nixid iyo u damqasho, Janan ayaa yiri: “Waxa aan rabaa in aan idin xaqiijiyo Ma maqli doontaan mana arki doontaan mana dhici doonto, colaaddii gobolkaan Gedo kajirtay ee u dhexeysay Dowladda Federaalka iyo DG Jubbaland galkaas waa soo xirnay! Waxa aan go’aansaday Qaybtii aan shaqsi ahaan uga jiray dhibka iyo siyaasadda in aan ka qaado Waddanka”

Xildhibaan  Cabdiraxman Kulmiye Xersi (Cabdiraxmaan dheere) Wasiiru dowlaha wasaaradda Gaadiidka xukuumaddu xilkeedu dhammaaday oo kamid ah xubnaha ka socday xukuumadda ee kaqaybagalay Bannaanbaxa lagu soo dhoweeyey Janan ayaa ugu hambalyeeyey Cabdirashiid Janan iyo ciidankiisaba go’aanka ay qaateen.

Waxa uu sheegay in dowladda dhexe ka shaqeyneyso hirgelinta waxa uu ugu yeeray Jubbaland loo dhan yahay, sida ay ogaatay Mustaqbal Media Cabdiraxmaan dheere waa maskaxda ka dambeysay soo xera-gelinta Cabdirashiid Janan, Janan & Cabdiraxmaan dheere waxa ay kawada tirsanaayeen Ururkii Al-itixaad ee muddada dheer dagaalada kawaday gobollada Jubbooyinka, doorashadii Kursiga golaha shacabka ee Cabdiraxmaan dheere waxa kadhashay gacan kahadal sababay dhimashada hal qof

Imaanshaha Cabdirashiid Janan ee Muqdisho iyo Kaalinta Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere

Marka la isu geeyo dhammaan dhacdooyinka la xiriira habka Cabdirashiid Janan iyo ciidankiisuba ugu biirayaan dowaladda Soomaaliya iyo sida uu uga soo go’ay Jubbaland iyo saaxiibkiis Axmed Madoobe waxa ay qabaan xubno kamid ah Baarlamaanka Federaalka iyo Baarlamaan-goboleedka Jubaland in uusan jirin heshiis rasmi ah oo Cabdirashiid Janan la galay Villa Somalia, hase yeeshee uu  isu dhiibay dowladda sidii uu  dowladda isugu dhiibay Sheekh Muqtaar Roobow Cali, taas beddelkeedana Janan waxa uu qaadanayaa lacag aan tiradeeda  la sheegin balse Xildhibaan Cabdiraxmaan dheere kamid yahay dhexdhexaadiyeyaasha iyo dallaalada labada dhinac u kala gudbiyey farriimaha.

ISHA: MUSTAQBAL RADIO