Joe Biden oo nin Soomaali ah u magacaabay xil sare

Xafiiska ololaha doorashada ee musharraxa xisbiga dimuqraadiga, Joe Biden, ayaa Maxamed Salaad Maxamuud (Maxamed Boosaaso) u magacaabay isku duwaha xafiiska ee ololaha doorashada u qaabilsan Dadka ka soo jeeda Bariga Afrika.

Waxay shaqadiisu tahay sidii dadka ka soo jeedo dalalka Bariga Afrika ee ku nool Mareykanka uu uga dhaadhicin lahaa in ay u codeeyaan xisbiga Dimuqraadiga iyo musharrixiintooda.

Maxamed wuxuu BBC-da u sheegay in jagadan uu u magaacabay musharraxa xisbiga Dimuqraadiga, Joe Biden, si uu xisbiga ugu soo xiro bulshada ka soo jeeda Bariga Afrika ee degan Mareykanka.

“(Waxaa la ii magacaabay) in aan isku duwe u noqdo dadka Bariga Afrika ee ku nool Mareykanka, maadama ay doorasho socoto, si codkooda hal meel uu u wado aado; haddey yihiin Soomaali, haddey yihiin Itoobiyaan, haddey Jibuutiyaan, Kenyan, Ugandans, qof kasta oo Bariga Afrika ka yimid”.

Maxaa lagu xushay?

Maxamed wuxuu muddo ku soo dhex jiray siyaasadda xisbiga Dimuqraadiga wuxuuna ka mid noqday ergada xisbiga illaa heer gobol.

“Runtii muddo toban sano ah ayaan xisbiga ku jiray, waxaan ka soo bilaabay doorashooyinka hoose, waxaan ka mid noqday ergooyinka degmada, illaa heer gobol ayaan ka noqday”.

Wuxuu rumeysan yahay in khibraddiisa ku aadan siyaasadda ay u horseeday in jagadan loo magaacabo iyadoo ay joogaan dad badan oo kale oo ka soo jeedo Bariga Afrika.

“Waxaan ka qeyb galay ergooyinkii qaranka oo lagu soo dooranayay madaxweynaha dimuqraadiga matali doono khibraddii aan lahaa darteed aniga oo lasoo shaqeeyay dad badan oo isugu jira Soomaali iyo ajaaniib” ayuu yiri Maxamed.

Galaangalka bulshada Bariga Afrika

Horeyuma dhicin in musharrax madaxweyne oo Mareykan ah uu qof ka soo jeedo Bariga Afrika u magacaabo si uu matalo ololahiisa doorashada, sida uu sheegayo Maxamed.

“Tani waxay tusineysaa dadka ka soo jeedo Bariga Afrika oo Soomaalida ugu horreyso in iyagoo isku duuban ay xubin muhiim ah ka yihiin doorashooyinka”, ayuu u sheegay BBC News Somali.

“Tan waxay muujineysaa in aan nahay dad awood leh isla markaana wax qabsan kara codkoodana meel lagu gaari karo, waana sababta aan ilaa madaxweynaha ugu socono oo ay dhahaan dadka kuwo lagama maarmi karo ma ahan, waa dad isku duuban”.

Maxamed wuxuu ka dhawaajiyay in dad badan oo Soomaali ah oo horey aan u codeyn jirin in ay hadda ku rajo weyn yihiin in ay codkooda dhiibtaan si ay u soo bandhigaan awooddooda siyaasadeed.