Jubaland iyo Al-Shabaab oo si kala gooni ah u shaaciyey in bisha Shawaal la arkay

Zahra Axmed GacalBy Zahra Axmed Gacal

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa caawa ku dhawaaqay in beri ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fitriga, kadib war kasoo baxay wasaaradda cadaalada, garsoorka iyo arrimaha diinta Jubbaland.

Agaasimaha waaxda arrimaha diinta Jubbaland Cabdullahi Maxamuud Ibraahim ayaa warbaahinta maamulka ka sheegay in berri oo ah Sabti ay tahay maalinta Koowaad ee Ciida.

“Waxaan rabaa in aan shacabka la wadaago in maanta ay u dambeysay bisha Ramadaan, tan iyo afurkii waxaa nala soo xariirayey dad leh bishii waan aragnay, balse intaas waan xaqiijineynay, oo hadda oo ay tahay 10:00pm aan ku dhiiranay in aan ku dhawaaqno kadib markii aan dhaarinay dadkii arkay” ayuu yiri Cabdullahi Maxamuud Ibraahim.

Isaga oo sii hadlayey ayuu yiri “Meelaha bisha laga arkay waxaa ka mid ah tuulada Xayo oo hoos tagta degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose, oo uu ka arkay nin lagu magacaabo Ciise Xaaji Axmed, iyo nin kale oo la dhaho Feysal Aadan, sidoo kale gabdho ayaa sheegay inay arkeen, balse gabdhahaas ma aysan hor imaan hey’adda ay khuseysay, si looga xaqiijiyo.”

Dhanka kale maamulka degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa ku dhawaaqay inay Berri Ciid tahay, kadib markii 5 qofood oo ku nool degmada Dolow ay sheegeen inay arkeen bisha Shawaal oo dhalatay.

Dhankooda ururka Al-Shabaab ayaa war ay soo saareen ku shaaciyey inay berri ay tahay Ciid, kadib markii sida sheegeen 15 qofood oo kala jooga seddax gobol ay arkeen bisha oo dhalatay.

Deegaanada kala ah Ufuroow oo ka tirsan gobolka Bay, Dhoobley oo ka tirsan Jubbada Hoose iyo Gamboole ka tirsan Shabeellada Dhexe ayey warkooda ku sheegeen Al-Shabaab inay kala joogaan 15-kaas qof ee arkay bilashada bisha Shawaal.

Fiidkii hore ee caawa dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta ayaa ku dhawaaqday in maalinta berrito ay tahay 30-ka bisha Ramadaan, isla markaana Axdda la ciidi doono.

Halkan ka Daawo warka Jubbaland