JUBALAND oo caddeysay mowqifkeeda shirka uu R/W ROOBLE iclaamiyey, kana dalbatay qodob xasaasi ah

Kismaayo (Caasimadda Online) – Dowlad goboleedka Jubaland ayaa shaaca ka qaaday inay ka qeyb gali doonaan shirka uu iclaamiyay rai’sul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, kaas oo uu 20-ka bishan isugu yeeray madaxda maamul goboleedyada iyo Gobolka Banadir.

Madaxwayna ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Adan oo BBC la hadlay ayaa ku baaqay in la isu tanaasulo danta shacabka Soomaaliyeedna la eego, islamarkaana raii’sal wasaaraha looga baahan yahay inuu xal u helo arrimihii lagu muransanaa.

“Jubaland way ka qeyb galeysaa shirka uu ra’iisul wasaaraha ku baaqay 20 Bisha, wax kasts oo aan rabnay ee habsami u socodka doorashada lawada ogolyahay waxaan soo saari doonaa miiska wadahadalka,” ayuu yiri Maxamuud Sayid Adan.

Maxamuud Sayid Adan ayaa Rooble ka codsaday inuu xalka la raadinayo ku daro sidii Gobolka Gedo looga soo saari lahaa ciidamo uu sheegay inay ku milmeyn siyaasadda, sidoo kalena laga wada hadlo afduubkii loo geystay madaxdii Jubaland ee Gobolka Gedo oo uu tilmaamay in si xoog ah Muqdisho looga dajiyey.

“Waxaan kaloo Ra’iisul wasaaraha ku dhiira gelineynaa inuu qorshihii amniga qaranka ee uu isaga hadda hayo ku daro sidii xal loogu heli lahaa ciidamada siyaasadda ku milmay labadii sano ee ugu dambeysay oo ay ka qeyb ka tahay kuwa Gobolka Gedo ee albaabada isugu dhuftay hey’adihii dastuuriga laguna daro waajibaadka guddiga shaqada ka wado Muqdisho,” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Mar wax laga waydiiyey inay Jubaland shuruud ku xireyso ka qeybgalka shirka uu iclaamiyey ra’iisul wasaare Rooble ayuu sheegay inaysan wax shuruud ah ku xiri doonin balse wuxuu tilmaamay inay jiraan caqabado dhowr ah oo muddo hortaagnaa inuu hirgalo heshiiskii 17 September taasna looga wada hadli doono miiska wada-hadalka, isagoo rajo ka muujiyey in xal kama dambeys ah la gaari doono.

Ugu dambeyntii Madaxweyne ku xigeenka Jubaland oo la waydiiyey in madaxweyne Axmed Madoobe uu Muqdisho la tagi doono ciidamadii uu markii hore la tagi jiray iyo haddii uu hadda ku kalsoonaan doono ra’iisul wasaare Rooble ayaa uga jawaabay in ilaalinta qofka Mas’uulka ah aysan ku xirneyn amni iyo amni darro balse ay iyaga ay ka go’an tahay inay tagaan shirka.

Dhinaca kale, Wasiiru dowladaha madaxtooyada Maamul Goboleedka Jubaland Xirsi Jaamac Gani ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda xirgaarsiinta ah Maxamed Xuseen Rooble looga baahan yahay inuu xilalka ka qaado taliyayaasha ciidamada si dalka uu u aado doorasho lagu kalsoonaan karo.

Xirsi Jaamac oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa tilmaamay in Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble looga baahan yahay inuu adeegsado awoodiisa dastuuriga ah oo ay qeyb ka tahay inuu xilalka ka qado taliyeyaasha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

“Sida ku cad qodobka 99-aad ee dastuurka kumeelgaarka ah ee Soomaaliya waxaa  ku jira xuquuqda RW iyo laantiisa fulinta inay dalacsiiyaan ama shaqada ka eryaan taliyayaasha ciidamada. Waxaan kula talinayaa Ra’iisul Wasaare rooble  inay tahay inuu adeegsado awoodiisa si uu faa iidada ugu helo mideynta ciidamada,” ayuu yiri Xersi Gaani.