Jubaland oo ku faantay inay shirka Brussels ku laabatay kadib raali-gelinta dowlada

Brussele (Caasimada Online) – Wafdigii ka socday dowladda Goboleedka Jubbaland ayaa dib ugu laabtay shirka arrinaha somalia ee ka furmay caasimadda dalka Belgium ee Brussele.

Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Maamul-gobaleedka Jubbaland Dr. Aadan Ibraahim Aw-Xersi ayaa sheegay in Ergaddii Jubbaland ee uu Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe uu dib ugu biiray Shirweynaha Caalamiga ee looga hadlayo Arrimaha Somaalia, kaasi ee ka socda caasimadda dalka Belgium ee Brussels.

Qoraal uu Wasiir Aw Xersi soo dhigtay Bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay inuu Madaxweyne Axmed Madoobe dib ugu laaabtay Shirkaasi, kadib, markii ay DFS iyo Saraakiisha  Xafiiska Ururka EU-da u jooga Somalia cuddur-daar ka bixiyeen Jebintii Borotakoolka.

Wafdigaan ayaa bilowgii shirkaan isaga baxay kadib markii la sheegay inay ku qanci waayeen ajandaha shirka oo la sheegay in wax laga badalay.

Shirka ayaa hadda si rasmi ah u socdo kadib waanwaan ay beesha caalamka la yeesheen Axmed madoobe iyo wafdigiisa

Dowladda Somalia iyo maamulka Jubbaland ayaa maalmihii dambe is khilaafaanaa.

Khilaafkaas ayaa gaaray inuu Axmed Madoobe soo celiyo taliye uu Farmaajo u magacaabay jubbaland.