Jubaland oo weli hanjabaad un joogta (Goormuu ficil imanayaa?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Jubbland ayaa war cad kasoo saaray Dagaalka ay kula jiraan maleeshiyaadka Al-shabaab ee Saldhigyada qarsoodiga ah ku leh qeybo kamid ah deegaanada Maamulka.

Axmed Max’uud Caraboo oo ah Afhayeenka Maamulka Jubbland, ayaa sheegay in ciidamada maamulka ay duulaan ku yihiin Saldhigyo hor leh oo maleeshiyada Al-shabaab kaga sugan yihiin deegaanada Maamulka.

Afhayeenku waxa uu sheegay in ciidamo awood leh ay u diyaariyeen la wareegida deegaano kale oo dhowr ah isla markaana ay ku sugan yihiin Al-shabaab.

Waxa uu sheegay in 48 saac ee soo socota ay Ciidamada isbaheysanaya qabsan doonaan Magaalooyinka Badhaadhe iyo Saakow oo ka kala tirsan Jubbada hoose iyo jubbada dhexe.

Dadka deggan degaannada ay la wareegeen Ciidanka Huwanta ah ayuu ugu baaqay in ay soo dhaweeyaan ciidanka isla markaana la shaqeeyaan.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, ayaa sheegay in Ciidamada maamulkiisa iyo kuwa Dowladda iyo AMISOM ay qaadayaan howlgal ka dhan ah Al-shabaab oo looga saarayo sida uu hadalka u dhigay degaannada ay ka maamulaan Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Howlgalkaani ayaa kusoo beegmaaya iyadoo qeybo kamid ah deegaanada Jubbaland ay ka socdaan diyaarinta Xildhibaanada uu yeelan doono dalka isla markaana ka imaan doona dhanka Jubbaland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com