Jubbaland oo Al-Shabaab ka qabsatay deegaan cusub

Kismaayo (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal saaka aroortii hore ciidamada Jubbaland iyo Al-Shabaab ku dhexmaray gobolka Jubbada Hoose ee koofurta Soomaaliya.

Dagaalka oo ahaa mid kooban ayaa yimid, kadib markii ciidamada Jubbaland ay weerar ku qaadeen deegaanka Jedacaley oo hoos taga degmada Badhaadhe ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaadka kadib Jubbaland ay la wareegtay gacan ku heynta deegaankaasi oo muddo ay ka talineysay kooxda Al-Shabaab.

Ilo deegaanka ah ayaa inoo sheegay in ciidamadu ay dhaq dhaqaaqyo ka bilaabeen halkaasi.

Sidoo kale Al-Shabaab oo ku sugan duleedka deegaanka Jedacaley ayaa iyana wada dhaq dhaqaaq xoogan iyo is uruursi ciidan.

Jubbada Hoose ayaa waxa ay ka mid tahay deegaanada Jubbaland ee ay ku xoogan yihiin  dagaalyahannada Al-Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com