Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay xiisadda u dhexeysa Dowladda Federaalka iyo Puntland, isaga oo garab istaag u muujiyay xukuumadda Madaxweyne Saciid Deni, xilli haatan labada dhinac ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo.
Wasiirka Warfaafinta Jubbaland, Cabdifitaax Maxamed Mukhtaar oo isagu qoraalka soo saaray ayaa sheegay in fashilkii ay Dowladda Federaalka kala kulantay duulaankii Jubbaland kadib ay cadaadiska u wareejisay Puntland, sida uu hadalka u dhigay.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya, markii ay ku fashilantay duullaannadii ay ku qaadday Jubbaland, isla markaana shacabka reer Jubbaland ay si adag isaga difaaceen, ayay hadda damaceedii iyo cadaadiskii siyaasadeed u weecisay Puntland,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Maamulka Jubbaland.
Cabdifitaax Maxamed Mukhtaar ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in shacabka Puntland ay kalsooni ku qabaan dowladooda, isla markaana ay iska difaaci doonaan wax kasta oo wax u dhimaya nabaddooda iyo midnimadooda.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa weerar ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna sheegay in siyaasaddiisa ay ku dhisan tahay cadaadis, balse uu ka dhexli doono cawaaqib xumo, sida uu ku dooday.
“Xaqiiqadu waxay tahay in shacabka iyo Dowladda Puntland ay sidoo kale si adag uga hortagi doonaan damac kasta oo wax u dhimaya nabadda, xasilloonida iyo dowladnimadooda. Xasan Sheekh waa inuu fahmaa in siyaasadda aysan ku dhisnayn awood iyo cadaadis oo keliya, balse ay leedahay xisaab iyo cawaaqib. Tallaabo kasta oo qardajeex ah oo la qaado waxay dhalin kartaa xisaab siyaasadeed oo mustaqbalka la isugu yimaado,” ayuu mar kale yiri Wasiirku.
Jubbaland iyo Puntland ayaa haatan ah xulafo siyaasadeed oo ku wada jira Golaha Mustaqbalka, waxayna si wayn uga soo horjeedaan qorshaha Dowladda Federaalka ee la xiriira doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda dalka.
Horay Puntland ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu eedeysay inuu wado dhaqdhaqaaqyo ciidan oo lagu hurinayo colaado, laguna wiiqayo nidaamka dowladnimo ee maamulkaasi.
Warsaxaafadeed ay Puntland soo saartay 25-kii bishan July ayay Xasan Sheekh ku tilmaantay “Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday”, iyada oo sheegtay inay si dhow ula socoto dhaqdhaqaaqyo ciidan oo maalmihii u dambeeyey ka socday qaybo ka mid ah deegaannadeeda iyo meelaha ku dhow.

