Ka hor DILKII Khaashuqji, muxuu BIN SALMAAN u sheegay MAREYKANKA?

Washington DC (Caasimada Online) – Amiirka dhaxalsuga ah ee dalka Sucuudi Carabiya Maxamed bin Salmaan, ayaa waxa uu Mareykanka u sheegay in qoraaga la dilay Jamaal Khaashuqji uu u arkayay inuu ahaa Islaami halis ah.

Khaashuqji, oo ahaa muwaadin Sucuudiga u dhashay kana shaqeynayay warbaahinta Mareykanka, ayaa waxaa si weyn loogu yaqaanay inuu dhaliilo maamulayaasha dalkiisa.

Maxamed bin Salmaan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu arrintaasi taleefoonka ugu sheegay Aqalka Cad kaddib markii Khaashuqji la waayay taas oo ka horraysay inta uusan Sucuudigu qiran inuu ninkaasi dilay.

Maydkiisa ayaanan weli gacan lagu hayn, hasayeeshee Turkiga, Mareykanka iyo Sucuudi Carabiya ayaa dhammaantood waxa ay isku raaceen in lagu dilay qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul 2-dii bishii Oktoobar.

Wicitaanka taleefanka ayaa la sheegayaa inuu ahaa 9-kii bishii Oktoobar, todobaad kaddib markii la waayay Khaashuqji.

Sababta uu hadalkaasi u sheegay ayaa lagu sheegay in ay tahay ilaalinta Xulufadda Mareykanka iyo Sacuudiga.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
Caasimada@live.com