Wadadii Cadayd Cagta Saarnaye, Caalamka maxaa Lagudboon?

Dhibaatada dhaqaale ee dunida hareeysay,doorashooyinka mareeykanka,iyo dooda ka taagan barnaamijka Hubka Nuclear-ka Iiraan iyo sidoo kale kacdoonadi sanad kahor kacurtay qaar badan oo kamid ah wadamada carabta,waxaa muhiim ah in caalamka uusan Somaliya hilmaamin oo uusan jaahil kanoqon,maxaa yeelay Soomaaliya hada waxaa kasoo iftiimeeysa rajo aad uwanaagsan istaahishana in lagarab istaago.

Dhibaatada Soomaaliya ma ahan mid ku koobnaan doonta geeska afrika oo kaliya,ee waa mid saameyn balaaran kuyeelan doonto dhaqaalaha caalamka 50%,maxaa yeelay xeebta Soomaliya waa tan ugu dheer afrika waana mid dhirirsan 3000km,laga soo bilaabo gacanka cadmeed ilaa iyo badweynta India,weerarada ay burcad-badeeda Soomaalida gaystaan waxay kaliftaa in sanadkiiba ay baxdo lacag dhan $7bn,taasoo dhibaatada somalia kajirta kadhigaysa mid caalami ah.

Geeska afrika hada waa masraxa ay ciidamo badan ay kajoogaan dowladaha caalamka ugu tunka weyn marka laga yimaado Afganistan,ciidamada mareeykanka,shiinaha,Ruushka,iyo kuwo NATO ayaa hada kusugan xeebaha Soomaaliya si ay uladagaalamaan Burcad-badeeda,sidokale qaybo badan oo kamid ah gudaha Soomaliya waxaa kusugan ciidamada midowga afrika,kuwa itoobiya iyo Kenya oo iyagana dhamaantood ujooga ilaalinta xaruumaha doowlada iyo ladagaalanka Al-shabaab oo dhanka koonfurta dagaalo kawada.

Inkastoo ay dhibaato kajirtay Soomaaliya 20-kii sano ee lasoo dhaafay,hadane waxaa jirtay maalmihii ugu danbeeyay rajo aad uwanaagsan qaasatan labadii bilood aynu soo dhaafnay,waxaa markii ugu horeesay lagu guuleystay sameynta dastuur cusub oo KMG ah,waxaa la dhaariyay 275 oo xubnood kanamid noqon doona Baarlamaanka Somalia oo ay isku soo waafaqeen qabiilada Soomaaliyeed oo dhan,waxaa meesha kabaxday wixii lagu magacaabi jiray xukuumada KMG oo la aaminsanyahay ineey ahayd xukuumad musuqmaasuq hareeyay iyo khilaafaadyo.

10-kii Sebtember waxaa magaalada muqdisho markii ugu horeesay lagu dortay gudoomiyaha baarlamanka,waxaana si aqlabiyad leh codad dhan 190 cod lagu doortay prof. Jawaari,waxayna taas muujisay rajada kasoo bidhaantay Somaliya mudo kadib iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Isbuucii lasoo dhaafay waxaa magaalada muqdisho kadhacay fadhi ay isugu yimaadeen siyaasiyiin iyo wax garad Soomaaliyeed,waxayna muujiyeen sida ay dadka somaliyed urabaan doowladnimada iyo siday urajeeynayaan in madaxweyne Xasan Shiikh ay uga doonayaa inuu layimaadi isbadal muuqdo oo lataaban karo,madaxweynaha oo kujira da’diisa 50-tameeyada,waa nin horay ula soo shaqeeyay hay’adaha UN-ka,sidokale waxa uu ahaa aas-aasihii jaamacada SIMAD,sidokale waxaa lagu xasuustaa inuu kamid ahaa dadka u ol olaleeya nabada iyo ishdaxgalka bulshada waxaana lagu xasuustaa inuu qayb ka ahaa tirtirida qadkii cagaarnaa ee muqdisho laga sameeyay xiligii dagaalada sokeeya qaasatan 4-biloodlaha dagaalkii loogu magac daray.

Madaxweyne Xasan Shiikh waxa uu dhowr mar ku celceliyay in hadafkiisa uu yahay in laga gudbo siyaasada ku dhisan qabiilka ama 4.5-ka,isnkastoo uu kasoo jeedo qabiil weyn oo xoogan hadane waxa uu rabaa inuu tirtiro buugga Qabiilka.

Muqdisho hada waxay ku naalooneysaa jawi daganaan ah,qaasatan markii ay isaga baxeen Al-shabaab sanad kahor kadib cadaadis xoogan oo kaga yimid ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada,lakin magaalada waxaa kajira qataro ay gaysan karaan Al-shabaab iyo dilal qorshesan,islamarkii lamagacaabay madaxweyne Xasan shiikh waxay isku dayeen ineey qaarajiyaan iyagoo adeegsanaya naftood haligayaal isa soo miidaamiyay laakin waxa uu noqday mid fashilmay.

Al-shabaab hada waxay u muuqataa mid uu waqtigeeda sii dhamaanayo maxaa yeelay waxaa lagala wareegay magaalooyinkii ugu danbeeyay muhimna u ahaa sida magaalada Kismaayo oo ay isaga baxeen 4maalin kahor,waxayna ahayd magaalada ugu weyn amaba waxaa ladhihi karaa waxay u ahayd xaruun ay kasoo abaabulaan qaraxyda iyo dilalka sidokale waxay ahayd magaalo uukaso galo dhaqaalaha ugu farabadan maadaama ay lahayd dakad caalami ah oo laga dhoofiyo dhuxul iyo waxyaabo kale.

Marka laga hadlaayo arinta Gobolka,waxaa jirtay geeri ku timid ra’iisul wasaarihii hore ee Etihiopia Melez Zenawi,kadib geeridiisa waxaa soo bidhaantay rajo ad u wanaagsan iyo inuu hagaago xirirka Somalia iyo itoobiya,ra’iisulwasaaraha cusub ee xilkan lawareegay waxa uu kasoo qayb galay xafladii calemo saarka ee madaxweyne Xasan Sheikh taasna waxa ay katarjumeeysaa sida uu u doonayo in lawanaajiyo xirirka labada dal,inkastoo uu sheegay inuusan waxbo kabadaleen siyaasadii uu Zenawi kula dhaqmi jiray gobolka.

Madaxweyne Xasan Shiikh waa mid og masuuliyada weyn ee saaran,waxa uu madaxweyne u yahay dowlad aan lahay mu’asasaadkii logu talo galay,waxa uu soo magacaabi doonaa xukuumad aan lahayn dhaqaalo iyo xafiisyo ay ku shaqeeyaan,shacab ay dagaalo qabiil kala jarjareen,iyo faragalin joogta ah  oo ay dowladaha gobolka kuhayaan Somalia,intaasoo dhan isagoo og madaxweynaha hadane waxa uu muujiyay sida uu ugu niyad sanyahay inuu soo magacaabo xukuumad waxaaso dhan ka gudbi karta oo mustaqbal wanaagsan u horseeda ummada Soomaaliyeed,sidokale waxa uu madaxweynaha ku celceliyay inuu sii xoojin doono wadahdalada dib uheshiisiinta taasoo xitaa aysan kaxirneen Al-shabaab oo ay kusoo biiri karaan geedi socodka nabadda.

Madaxweyne Xasan Shiikh waxa uu beesha caalamka kadalbaday in si dhab ah somaliya loo garab istaago, mar uu qadka hawada uga qeyb galay shir gaar ahaa oo isbuucii lasoo dhaafay kadhacay gudaha Soomaliya kasheegay in wadan kastoo oo soomaray dhibaato iyo dagaalo sida somaliya oo kale lasoo garab qabtay islamarkaasna taageerid dhab ah ay siiyeen beesha caalamka iyo dowladaha dariska la ah sidaas silamid ahna ay somaliya maanta uga baahantahay caalamka iyo dowladaha gobolka.

Dhibaatada ugu weyn ee maanta somalia ku hareereesan waa labo shey oo kaliya,tan kowaad waa Burcad-badeednimada,iyo Al-shabaab oo hada u xuubsiibatay Al-qaacida,waana labada qatar ama gumeysiga Somaliya.

Waqti xaadirkaan caalamka waxa ay balaayiin dolar si qaldan oo aan lo baahneen ugu bixiyaan ladagaalanka Burcad-badeeda Soomaalida,sidokale waxaa lacag badan lagu bixiyaa ladagaalanka qaajada iyo abaaraha,iyo dib udajinta qaxooti kasoo carara dagaalada,laakiin waxaaso dhan waxaa kamuhiimsan kana faaiido badan in caalamka uu si dacad ah u garab istaagaan dib u dhiska hay’adaha dowlada sida amaanka dhaqaalaha waxbarashada IWM,taasoo si fudud usuura galin karta dabar goynta Burcad-badeeda iyo Al-shabaab.

Ciidamada midowga afrika ee kusugan Soomaaliya sida lawada ogyahay waxaa ku baxda lacag aad ufarabadan,tusaale ahaan askarigiiba waxa uu qaataa lacag kabadan 1000$,halka ciidamada somalidana aysan mushaar helin 5bilod ama kabadan,waxaana hubanti ah hadii askariga soomaaliyed meel losaaro 4ama 500$ ineey ka karti iyo awood badanyihiin askariga Amisom islamarkaasna ay siwanaagsan wax uga qaban lahaayeen dhibaatada amni ee kajirta Somaliya.

Marka sidaa darteed waxaa waajib ah in lataageeroo oo lagarab istaago laacibiinta cusub ee hada majaraha uqabtay dowlada Soomaaliyeed,waxaana hubanti ah in hadii dowladaha xiriirka iyo taariikhda fog laleh somaliya sida imaaradka iyo dowladaha Khaliijka ay lacagta meel ay kala geeyaan waayeen ay somaliya ku taageeraan in lagaarayo yoolka loo socda iyo meesha latiigsanayo,laakin Masar oo uu kadhacay sanad kahor kacdoon shacbi oo sababay in mesha laga saaro dowladii kalitaliska ahayd,waxa ay ixtiraam iyoq adarin ku dhexleedahay bulshada Soomaaliyeed,maalmo kahor madaxweynaha masar Morsi waxa uu balanq aadaay in somaliya ay u tababarayaan ciidamo iyadona lawada ogyahay in arday farabadan oo somaaliyeed ay wax barasho bilaash ah kahelaan masar.

Kadib booqasho uu sanadkii hore kuyimid ra’iisulwasaaraha turki Ordogaan caasimada muqdisho,turkiga waxa uu kamid noqday saaxiibada soomaaliya,waxa uu mashaariic waaween kabilaabay muqdisho,waxa uu waxbarasho lacag la aan ah ugu deeqay kumanaan arday somali ah,hada magaalada muqdisho waxay kahirhaliyeen xaruun bilwalbo lacag lagu siiyo hoyooyin somaliyeed oo aan shaqo haysan.

Waxaa caalamka lagudboon ineeysan dayicin fursada maanta somalia kasoo iftiintay,hadii ay gacan bidixeeyaan sidii ay ku sameyn jireen doowladihii KMG waxaa hubanti ah in dhibaatada aysan somaliya ku ekaan doonin balse ay ku faafi doonto dowladaha dariska la ah sida itoobiya,kenya,waxaana gari doona feyruska qatarta ah ee dagaalada taasoo aakhirkiina usii gudbi doonta caalamka intiisa kale,dhaawici doontana dhaqaalahooda iyo danahoda gaar ahaaneed.