Kadib go’aankii guddiga doorashada, Shariif oo shaaciyay inuu Maxkamadda Sare u gudbiyay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag uga horyimid jadwalka doorashooyinka ee uu shaaciyay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, isaga oo ku tilmaamay tallaabo hal dhinac ah oo aan loo marin habraacyada sharciga ah.

Jadwalka guddiga ayaa dhigaya in doorashada Golaha Shacabka la qabto 15-ka April 2027, halka doorashada madaxweynaha loo qorsheeyay 15-ka May ee isla sannadkaas.

Shariif ayaa ku dooday in hannaanka doorashooyinka iyo wax-ka-beddellada lagu sameeyay Dastuurka KMG ah aan loo marin habraacyadii sharciga ahaa ee loo baahnaa, taas oo uu sheegay inay sii hurin karto khilaafka siyaasadeed ee dalka.

Shariif ayaa markii ugu horreysay shaaciyay inuu Maxkamadda Sare u gudbiyay dacwad dastuuri ah oo uu ku dalbanayo in la buriyo wax-ka-beddellada dastuurka iyo tallaabooyinka ka dhashay.

Madaxweynihii hore ayaa ka digay in haddii aan xal laga gaarin muranka taagan ay dhici karaan doorashooyin isbarbar socda, dib-u-dhac ku yimaada dowladnimada iyo xitaa colaado sokeeye.

Shariif ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay inuu ka laabto tallaabooyinka uu ku tilmaamay kuwa hal dhinac ah, isagoo dhinacyada siyaasadda ku boorriyay inay wada-hadal ku gaaraan heshiis qaran oo horseeda doorashooyin la isla oggol yahay.

Sidoo kale wuxuu Maxkamadda Sare ka codsaday inay si madax-bannaan uga garnaqdo dacwadda loo gudbiyay, halka beesha caalamka uu ugu baaqay inay ka qayb qaadato dadaallada lagu xallinayo khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News