Kadib kulan ka dhacay Villa Soomaaliya, DF oo xaqiijisay in…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay diyaar u tahay la wareegidda mas’uuliyadda amniga dalka, xilli la qorsheynayo in Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ay si tartiib-tartiib ah ula wareegaan waajibaadka ay hadda hayaan ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

Arrintan ayaa looga hadlay kulan saacado qaatay oo ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya, kaas oo dhexmaray La-taliyaha Amniga Qaranka iyo Madaxa Howlgalka AUSSOM. Wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga dalka iyo dadaallada lagu dhisayo awoodda Ciidanka Qalabka Sida.

Madaxa Howlgalka Midowga Afrika ayaa kulanka ku xaqiijiyay inay ka go’an tahay inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamada amniga dalka, kuwaas oo isu diyaarinaya inay si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadda amniga.

Dhankiisa, La-taliyaha Amniga Qaranka ayaa uga mahadceliyay howlgalka AUSSOM doorkii uu ka qaatay sugidda amniga Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab muddadii uu dalka ka howlgalayay.

Howlgalka Midowga Afrika ayaa muddo ku dhow labaatan sano qayb ka ahaa dadaallada amni ee Soomaaliya, isagoo soo maray isbeddello kala duwan tan iyo markii ciidamadii Midowga Afrika ay dalka yimaadeen sanadkii 2007.

Qorshaha hadda jira ayaa dhigaya in mas’uuliyadda amniga dalka si marxalado ah loogu wareejiyo Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, si dowladda iyo hay’adaha amniga qaranku ay u qaataan doorka ugu weyn ee sugidda amniga.

Si kastaba, howlgalka AUSSOM ayaa wajahaya caqabado la xiriira maalgelinta, xilli la dardargelinayo qorshaha kala-guurka amniga iyo diyaarinta ciidamada Soomaaliyeed si ay ula wareegaan waajibaadka ay hadda hayaan ciidamada Midowga Afrika.

La wareegidda amniga ayaa ah tallaabo muhiim u ah dadaallada Soomaaliya ay ku dooneyso inay ku dhisto ciidan qaran oo awood u leh sugidda amniga dalka, inkastoo hirgelinta qorshahan ay ku xirnaan doonto awoodda ciidamada, taageerada dhaqaale iyo wada-shaqeynta dowladda iyo saaxiibbada caalamka.

- Advertisement -

Read more

Local News