KASHIFAAD: Habkii weerarka Westgate loo diyaariyey & ciidamo la laaluushay

Nairobi (Caasimada Online) – Weerarkii lagu qaaday xarnta ganacsi ee West Gate ee Nairobi, waxaa dhowr bilood lagu diyaarinayey gudaha dalka Somalia, waxaana loo xil saaray garabka howl-gallada aan caadiga ahayn ee Al-Shabab, waxaa sidaas sheegay sidoonka Mareykanka.

Koox dagaal yahanno ajaaniib ah oo ku hadlaya luuqadda English-ka, ayaaa ayaga iyo goobta weerarka loo doortay si taxaddar leh.

Weli lama oga dhalashada dalkaasi, waxaana socda baaritaann, ayada oo aan meesha laga saarin suurta galnimada ah in qaarkood ay kasoo jeedaan dalalka Mareykanka iyo Britain.

Sida sirdoonka Mareykanka ay lee yihiin waxaayabaha lagu xushay West Gate waxaa ka mid ah ayada oo ay ku badnaayeen dadka ajaaniibta ah, gaar ahaan reer galbeedka.

Weerarka ayaa dhowr mar si tijaabo ah loogu sameeyey gudaha Somalia, ka hor inta aanay mintidiinta qaadday kasoo gudbin xadka Kenya, ayaga oo lacag laaluush ah siiyey saraakiisha maamusha xuduudka oo inta badan ah kuwa musuq maasuq oo aan qaadan lacag ku fulin.

Maalin ama laba maalin ka hor inta aan weerarka la qaadin, ayaa qoryaha daran dooriga u dhaca si qarsoodi ah loo soo geliyey xarunta West Gate, ayada oo caawimaad laga helayo mid ka mid ah kuwa weerarka fuliyey, oo goobta ka sii shaqeynayey.

“Waxaa jira dad horey ugu sii jiray Wes Gate, wax kasta oo loo baahnaana waa lagu sii diyaariyey xarunta” ayuu yiri sarkaal ka tirsan sirdoonka Mareykanka oo aan dooneyn in magaciisa la shacaiyo.

“Maalinkii weerarka uu dhacayey waxaa goobta yimid oo kaliya dadkii weerarka fuliyey” ayuu sii raaciyey.

Saraakiisha ayaa ka digaya inay mar walbaa sahlanaan doonto in weeraro lagu qaado Kenya, sababta oo ah heerka uu gaar siisan yahay musuq maasuqa dalkaas, oo wax walba lacag la dhaafsado.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com