KASHIFAAD: Wasiirka gaashandhigga oo sirta ciidanka DF banaanka keenay

Muqdisho (Caasimada Online) Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay ka xun yihiin hadal uu sheegay wasiirka gaashandhigga xukuumadda Soomaaliya Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, hadalkaas oo ahaa in ay ciidamada dowladda mardhow qabsan doonaan magaalada Barraawe ee koonfurta Soomaaliya.

Saraakiisha ciidamada millitariga oo caawa la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in hadalka wasiirka uu dhaawacay qorshaha ciidamada ay doonayeen in ay ku qabsadaan magaalada Barraawe ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Waxa ay lee yihiin saraakiishan wasiirka lama rabin in uu shaaciyo in lagu wajahan yahay magaalada Barraawe waayo Al-Shabaab waxa ay billaabi doonaan sida ay isku difaaci lahaayeen.

Wasiirka gaashandhigga Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa warbaahinta u sheegay in mardhow ciidamada dowadda iyo kuwa AMISOM ay ku wajahan yihiin Barraawe oo ay ku xoggan yihiin Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa tilmaamay in wax kasta oo loo baahnaa si loo fuliyo duulaankaas in uu diyaar u yahay.

Si kastaba, waa hubaal ah in sirka la sheegay in uu sheegay wasiirka gaashandhigga ay dhabar jab u tahay ciidamada dowladda kuwaasoo ku wajahnaa magaalada Barraawe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com