KAY oo ugu dambeyn ka run sheegay Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Arrimaha Somalia Nikolas kay, ayaa si qoto dheer uga hadlay dhibaatooyinka adag ee xiligaani ka taagan Somalia.

Kay ayaa hadalkaani sheegay xili uu Khudbad ka jeedinaayay xarunta Golaha ammaanka waxa uuna sheegay in haddi aan wax laga bedelin xaalada iminka ay ku jirto Somalia ay sababi doonto dhibaatooyin xoogan oo soo wajaha dad fara badan oo Somali ah.

Waxa uu Kay sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo tageerada gargaarka ee Somalia, waxa uuna halkaasi ka sheegay inaan la dhaliilsan karin waxa hadda ka jira Somalia ee u baahan garabsiinta Umadda Soomaaliyeed.

Mr kay ayaa sheegay in dhinaca kale Al-shabaab oo dagaalo ka wada qaybo ka mid ah Somali ay keeni karto in ay saameyn daran ku yeelato ammaanka iyo deganaanshaha gobolka geeska afrika taasoo uu sheegay in ay sababi karto in qaxooti hor leh oo ka cararaan dalka.

Danjire kay ayaa xusay in xaalada Somalia ay soo hagaageysay sanadihii la soo dhaafay balse waxaa uu sheegay in ay weli jirto wado dheer oo sugeysa isagoo u rajeeyay in doorashooyin sax ah ay ka dhacaan Somalia sanadka 2016.

Susane malorco oo ah madaxa shaqaalaha xafiiska xoghayaha guud ee QM ayaa sheegtay in ilaa iyo 3.2 milyan oo Somalia ah ay ku tiirsanyhiin gargaarka caalamka iyadoo intaasi ku dartay in ay sii badan karto tirada dadka uu u baahan kaalmada caalamka.

Dhinaca kale, Susane malorca ayaa ka digtay qataro ka dhalan karta fataahada la filayo in ay ku dhuftaan Somalia iyadoo xustay in 36 boqolkiiba kaliya ay haystaan qorshaha lagu gargaarayo dadka ay saameyn karaan daadadka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com