Keating oo sheegay hadal xanuun jiyey madaxda DF (Waa maxay?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan dowlada Somalia ay shaaca ka qaaday inay wiiqday awooda maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa waxaa arrintaani ka hadlay Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating.

Michael Keating, ayaa sheegay in DFS ay dadaal ku bixisay wiiqida awooda maleeshiyaadka Al-shabaab, balse waxa uu cod dheer ku sheegay in hadalkaasi uu u baahan yahay in dib loo daraaseeyo waxa uuna sheegay in awooda Al-shabaab ay tahay mid wali taagan.

Michael Keating, waxa uu sheegay in maleeshiyaadka Al-shabaab ay mar waliba ku taamayaan inay jilbaha dhulka u dhigaan dowlada Somalia, hayeeshee dowladu aysan wali qaadin talaabadii looga baahnaa waxa uuna meesha ka saaray in la wiiqay awooda Al-shabaab.

Michael Keating, waxa uu tilmaamay in jiritaanka awooda Al-shabaab ay cadeyn u tahay weeraradii xooganaa oo ay maleeshiyada ku qaaday goobo ay kamid yihiin Hoteel SYL iyo Maqaaxida ku taalla xeebta Liido.

”Hadii la wiiqay awooda Al-shabaab maxaa sabab u ahaa in todobaadkii tagay ay shabaab weeraro ku qaadan goobo muhiim ah”

Michael Keating, waxa uu qiray in maleeshiyaadka Al-shabaab ay wali yihiin kuwo aan awoodooda nusqaan ku imaan, balse waxa uu dowlada Somalia ugu baaqay inay qaado talaabo cad oo li ku ah argagixisada Somalia.

”Waan ognahay in al-shabaab ay weli yihiin kuwo xoogan waxaa nagu filan weeraradii ka dhacay muqdisho, waxaan hadda u baahanahay in dowladu ay qaado talaabo muuqata oo lagu burburinkaro shabaab”

Dhinaca kale, Mr Michael Keating, waxa uu ka digay in maleeshiyaadka Al-shabaab ay weeraro ku qaadan xarumaha ay ka socdaan doorashooyinka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com