Kenya oo askar looga laayey xuduudda Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan ururka Alshabaab ayaa weerar gaadmo ah oo lagu dilay askar Kenyan ah ka geystay duleedka degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, kaasi oo askar Kenyan ku dhinteen.

Ciidamada Kenya ayaa kusii jeeday degmada Mandheere ee dalka Kenya Alshabaab ay ku weerareen duleedka degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, waxaana halkaasi ka socday dagaal muddo saacado ah qaatay.

Inta la og yahay labo kamid ah askarta dowlada Kenya ayaa ku dhintay dagaalka u dhaxeeyay ciidamada Alshabaab iyo AMISOM, waxaana ku dhaawac shan kale oo askarta Kenya kamid ah.

Alshabaab ayaa guulo ka sheegtay dagaalka ka dhacay Duleedka degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, waxayna sheegeen in saraakiil Kenyan ku dileen dagaalka muddada saacadaha ah ka socday duleedka degmada Ceelwaaq.

Masuul u hadlay dowlada Kenya ayaa xaqiijiyay in labo kamid ah askarta dowlada Kenya kaga dhinteen weerarka gaadmada ah ee ka dhacay duleedka degmada Ceelwaaq, isagoo sidoo kale xaqiijiyay dhaawaca askarta dowlada Kenya soo gaaray.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com