Cabsida Kenya ee Shabaab oo meel xun gaartay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa go’aan cad kasoo saartay dabaaldagyadii sanad waliba ay u diyaar garoobi jireen Ciidamada Booliska Kenya.

Joseph Boinett oo ah Taliyaha guud ee Hay’adda Boliska Kenya, ayaa sheegay in Hay’addu ay mamnuucday fasaxa dabayaaqadda sannadkan, islamarkaana ay jiri doonaan Howlgalo toos ah oo looga hortagi doono carqalad ku imaada amaanka dalka Kenya.

Joseph Boinett ayaa sheegay in Laamaha amaanka ay dareemayaan weeraro ay Maleeshiyaadka Al-shabaab ka fuliyaan gudaha iyo daafaha Kenya, waxa uuna si cad u mamnuucay u diyaar garowga dabaaldagyada sanadka 2016-ka oo fooda nagu soo heysa.

Mr Joseph Boinett oo la hadlay Warbaahinta maxaliga ayaa sheegay in Kenya ay xiligaani ku jirto wakhti adag islamarkaana aysan isku keeni karin sameynta dabaaldagyo iyo xaqiijinta amaanka guud.

Joseph Boinett waxa uu sidoo kale sheegay in Boliska ay sanadkaani dabaaldagyadooda u baajin doonaan Al-shabaab awgood, islamarkaana loo baahan yahay inay ku dabaal dagaan Howlgalo la qorsheeyay in lagu qaado goobaha ay ku badan yihiin Al-shabaabka.

Joseph Boinett wuxuu carrabka ku dhuftay in loo baahan yahay in la ciqaabo kuwa sharciga jebiya ee ku fakaraaya qalqal galinta amaanka Kenya.

Wuxuu cadeeyay in dalka uu ku jiro Heerkii ugu sareeyey ee Cabsida weeraradda, loona baahan yahay inay Boliska yareeyaan Cabsida Dowlada kasoo wajaheysa dhanka Al-shabaab.

Si kastaba ha ahaatee, Taliyaha ayaa ku dhawaaqay Howlgalo bile ah oo lagu ugaarsanaayo maleeshiyaadka Al-shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com