Kenya oo caradii ay ka qaaday go’aankii BF kal…

Nairobi (Caasimada Online) – Iyadoo dowlada Kenya ay ka carootay go’aankii ay gaareen xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay ciilkaasi kala dul dhacday  saldhigyo Alshabaab ay lahaayeen oo ciidamadooda duqeymo la dhaceen.

Dowlada Kenya ayaa sheegtay in xuduuda ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya lagu burburiyay saldhigyo Alshabaab ku lahaayeen oo gaaraya ilaa shan saldhiga, sida uu sheegay sarkaal u hadlay ciidamada dowlada Kenya.

James Ole Seria, oo ah ninka hogaaminayo howlgalka ka dhanka ah Alshabaabka ku sugan dhulka keymaha ah ee ku yaala xuduuda labada dal u dhaxeyso ayaa sheegay in ciidamdooda ay burburiyeen shan saldhig oo ciidamada ku lahaayeen keynta.

“Waxaan burburinay shan saldhig oo ciidamada Alshabaab ay ku lahaayeen howdka, ciidamadeena hub ayay gacanta ku dhigeen oo maleeshiyaadka ay ka carareen, waana sii wadeynaa howlgalka ilaa ALshabaab laga adkaanayo”ayuu yiri Ole Seria.

Dowlada Kenya ayaa xad gudub dhanka dhulka ay ku sameysay xuduuda Soomaaliya ay la wadaagto, waxayna taasi dhalisay qeylo dhaan kasoo yeertay shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com