Kenya oo askar badan laga laayay iyo gaadiid dagaal oo la gubay

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay kusoo waramayaan dadka degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo waxaa halkaasi lagu weeraray Kolonyo gaadid Dagaal oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan AMISOM gaar ahaan kuwa Kenya.

Weerarka ayaa la sheegay inuu isugu jiray Qaraxyo iyo mid fool-ka-fool ah, waxaana weerarkaasi uu jab xoogan kasoo gaaray ciidamada Kenya.

Weerarka ayaa waxaa ciidamada Kenya uga dhintay ilaa Seddex Askari oo mid kamid ah uu ahaa Sargaal Seddex xidigle ah, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Weerarka ayaa waxa uu sidoo kale dhaawac kasoo gaaray ilaa laba ruux oo shacab ah kuwaasi oo markii danbe la dhigay xarumaha caafimaadka Gedo.

Ciidamada ayaa waxaa weerarkaasi lagu qaaday xili ay marayeen inta udhaxeysa deegaanka Buusaar iyo degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo oo aan sidaa u kala fogeyn.

Kolonyada ayaa waxaa wadada u galay dagaalyahaano dhowr ah kuwaasi oo markii hore ku weeraray Qaraxyo, kadibna la galay dagaal fool-ka-fool ah.

Dhanka Al-shabaab ayaa waxaa dagaalka uga dhintay ilaa afar maleeshiyo, halka dhaawac uu kasoo gaaray hal dagaalyahan.

Qoraal kooban oo ay baahisay maleeshiyada ayay ku sheegtay in khasaaraha ciidamada Kenya ay gaarsiiyen uu intaa kasii badan yahay mana aysan sheegin tirada dhimasho.

Maleeshiyada waxa ay sidoo kale sheegtay inay gubtay gaadiid la socday kolonyada ay wadada u galeen.

Weerarkaani ayaa kusoo beegmaaya xili maleeshiyada Al-shabaab ay laba jibaartay weerarada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com