Kenya oo ciidan soo dhoobtay xuduuda Somalia

Nairob (Caasimada Online) – Dowlada Kenya oo ka warheshay dhaqdhaqaaqyo ciidamada Alshabaab ka bilaabeen dhanka xuduuda ayaa ciidamo badan soo dhigtay xuduuda ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Kenya ayaa ciidamo badan soo dhoobtay xuduuda ay la wadaagto dalka Soomaaliya, kuwaasi oo si adag loosoo qalabeeyay sida ay sheegeen masuuliyiinta dowlada Kenya, waxaana la doonayaa iney Alshabaab difaacaan.

Kenya waxay sheegtay in ciidamada badan ee lasoo dhoobay dhanka xuduuda ay ka dambeysay markii Alshabaab badan ay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka sameeyeen dhanka xuduuda ayna waxyeelo u geysteen dad rayid ah.

Maxamuud Saalax, gudoomiyaha gobolka waqooyiga bari Kenya ayaa sheegay iney adag tahay xaalada goobaha ciidamada loo daabulay maadaama roobab badan ka da’een, laakiin wuxuu sheegay in ciidamo iyo agabkooda loo daabulay deegaanka.

“Waxaan xitaa adeegsaneynaa helocoptaro iyo agab kale si aan u xaqiijino amaanka loogana hortago shaqsiyaadka dhibaateynaya dadka deegaanka, ciidamada Alshabaab waxay kasoo cararayaan AMISOM oo gudaha Soomaaliya kula dagaalamaya”ayuu yiri Mr Saalax.

Ciidamada Kenya ayaa sheegay in dhalinyarada ka tirsan Alshabaab  oo gaaraya inka badan 10 ruux lagu arkay deegaanada Konton iyo bariga Wajeer, kuwaasi oo waxyeelo u geystay dadka deegaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com