Halis culus oo ku wajahan garoon diyaaradeed oo ay leeyihiin milatariga Kenya

0

Nairobi (Caasimada Online) – War kasoo baxay dowlada Kenya ayaa lagu sheegay inay jirto cabsi dhanka amaanka ah oo laga qabo Garoonka Diyaaradaha Millateriga ee ku yaalla Mandera.

Dowlada ayaa sheegtay inay jirto cabsi weyn oo ay qabaan hay’addaha amniga, waxaana laga digay in ciidamada amaanka ay muujiyan habacsanaan.

James Macharai, oo ah Wasiirka Gaadiidka Kenya  ayaa sheegay in baqdinta ugu weyn ay tahay in dhibaatooyin la gaarsiiyo diyaaradaha adeegsada dhabaha diyaaradaha ee kavaan, kuna soo degaan Garoonka.

Waxa uu sheegay Wasiirka inuusan jirin diiwaan muujinaya inuu Garoonkaasi leeyahay heerka lagu qiyaaso mugga dhabaha ay diyaaradaha adeegsadaan ee PCN oo ay Hay’adda Duullimaadka Caalamiga ku qiimeyso Garoomadda Diyaaradaha.

Wasiir James Macharai, waxa uu carab dhabay in baqdinta ugu weyn ay tahay in isku dhac ama shil diyaaradeed uu ka dhex dhaco Garoonka, balse ay muhiim tahay in laga hortago.

Sidoo kale, Wasiir James Macharai waxa uu ku celcelshay in Garoonka xitaa uu halis ugu jiro inay soo weeraraan Al-Shabaab maadaama dhan waliba uusan ka dhameystirneen.

Dhinaca kale, waxa uu cadeeyay James Macharai in Garoonka Mandera ay isticmaalan Diyaaradaha Dagaalka iyo kuwa Helikopterada Milliteriga Kenya ee Hawlgalladda duqeynta iyo Gurmadka ka fuliya Xuduudka Somalia iyo Diyaaradaha Rakaabka ee nooca JESNA iyo kuwa kale ee mug-qaadkoda kooban yahay.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

Caasimada@live.com

SHARE

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.